Ciidamo lagu weeraray bambo xaafada Suuqa xoolaha

Wararka aynu ka helayno Xaafada suuqa Xoolaha ee Degmada Hiliwaa ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya lagu weeraray bambada nooca gacanta laga tuuro ah.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya lagu weeraray ilaa labo bambo oo nooca gacanta laga tuuro ah,iyadoo lala eegtay ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.Lama oga khasaaraha gaaray ciidamada dowladda Soomaaliya hayeeshe waxaa la sheegay in qof shacab ah uu ku geeriyooday bam gacmeedyada lagu weeraray ciidamada dowladda Soomaaliya.

Qaraxa kadib ciidamada dowladda waxa ay fureen rasaas xoogan oo ay dhinacyada ukala saydhiyeen,taasi oo aan jirin wax khasaaro ah oo ka dhashay rasaastaasi.

Xaafada Suuqa Xoolaha ee Degmada Hiliwaa ayaa waxaa kusoo noqnoqday qaraxyada caynkan oo kale ah islamarkaana lala beegsado ciidamada dowladda Soomaaliya.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka Degmada Hiliwaa oo ku aadan qaraxyada kusoo noqnoqday Degmadaasi.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on October 20, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.