Madaxweyne Xasan oo gudoomay warqadihii aqoonsiga safiirnimo ee safiirka cusub ee ay Midowga Yurub

Mogadishu, Somalia, October,16, 2012 - War-Saxaafaddeed:  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta warqadihiisa aqoonsiga safiirnimo ka gudoomay Safiirka cusub ee ay Midowga Yurub usoo magacaabeen Soomaaliya Cervone De Urso.

Inta aan warqadaha laga gudoomin ka hor waxaa uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda ku qaabilay safiirka Xafiiskiisa ayadoo Madaxweynaha iyo Safiirkana ay ka wada hadleen xiriirka Soomaaliya iyo Midowga Yurub iyo sidoo kale taageerada Midowga Yurub ay siin doonaan Dowladda Soomaaliya.

Markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud warqadihiisa aqoonsiga ka gudoomay Safiirka cusub ee ay Midowga Yurub usoo magacaabeen Soomaaliya ayaa waxaa wadajir Saxaafadda ula hadlay Safiirka iyo sii hayaha Wasiirka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Mudane C/laahi Xaaji Xuseen sii hayaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ugu horeyn saxaafadda la hadlay ayaa tilmaamay in Dowladda Soomaaliya ay soo dhaweyneyso safiirka cusub ee ay Midowga Yurub usoo magacaabeen Soomaaliya.

Ugu dambeeyn Cervone De Urso Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya oo isaguna saxaafadda la hadlay ayaa xusay inuu aad ugu farax sanyahay in loosoo magacaabo safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya iyo in sidoo kale uu Madaxweynaha Soomaaliya ka gudoomo warqadihiisa aqoonsiga.

-  Dhamaad –

.

Suldan A. Farahseed | Agaasimaha Warfaafinta | Xafiiska Madaxweynaha | Moqdishu, Somalia | media@presidency.gov.so

______________________________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on October 20, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login