W/Q Ifraax Yusuf ( Ifka) | Qoraal walba Qarnigiisa, Qalin walba Qisadiisa, ee aqriste Qaracanka Qarankaaga wiilkiisa Qorsheeyay ma diidantahay in aad Qiratid?’
Dad badan wax ay la yaabaan ayeey noqotay, oo sugaayay inuu ayraboorka iga soo dooni doono Bile, laakiin in aroosadiisa kaligeed soo safarta wax aan u cuntamin ayeey la noqdeen, oo asigaa iigu yimid Soomaaliya, dalxiiskeena dheeraa ayaana halkaas ka bilawday iyo noloshii riyada aheeyd ee tobanka sanno jirtay!
Bile waxuu ahaa nin aan dhaqankiisa la yaabo, luuqadiisa waa is bedeshay badan, awalba ninka soomaaliga ah kuma luuqad aheeyn, oo “ Waa mahadsantahay” waa ugu badneed, laakiin hada erayo usub aaaba yimidiin, sida “ Ma awoodaa/ ma ii sameeyn kartaa?” Luuqadiisa wax la dhaho amar iyo xoog kuma jirin, meesha tayda ay ka aheeyd, sidaan dheh, sidaan yeel…. Iwm oo ah runtii erayo qaldan, madaama aysan jirin qof qofka kale xoog ku leh, soo ma wanaagsano in waxkasta noqdaan suaal, aad haa ama mayo ka sugi kartid? In qofka loo qiro wanaagiisa, in qofka loo mahadcelsho haduu wax kuu sameeyo? Ma aqaano waxa luuqadeena ka dhigay luuqada qalafsan, oo dagaalka uun ah. Degenaasho, waxkasta oo aad ugu imaaneeysid meesha aad dhigatay, oo shan qof oo kula tashaneeynin guri kula daganeen, waa nimco Illaah baxshay. Waxaan rumeeysnaa in aan ahay dadka buuqa iyo dadka badan jecel, laakiin waxaan ogaaday in aan ka siijelahay degenaashada iyo meel ay joogaan dad aad is fahmeeysaan, waxna isku dagaaleeynine. Bile ma ahan dadka dhibka badan, sida aroosadiisane xiligaan waxaan u ahaa waxkasta. Magaalada hadii aan joognoo oo aan soo adeegeeyno iska dhaaf in aan wax uun u qaadee, inuu booradayda xataa ii qaado ayu jeclaa, oo aad buu u necbaa in aan qabto waxuu qaban karyo asiga. Aasaas qurux badan oo nololeed ayan bilaabay, markasta oo aan ka arko wanaag iyo horumarkeena lamaane, waa u sii jilcaayay, in aan sidiisa oo kale noqdo qof naxriis badan, oo jilisan jaceylkeeda ayaana isku dayaayay.
Lixdii bilood oo koowaad waxeey u dhamaatay sida in aan shalay is aragnay, oo maalinkasta waxuu noo ahaa maaln aan isku cusubnahay, oo xiiso, iyo jaceyl uun aan iskaga sii qaadno. Bile waxuu dad badan kaga fiicnaa inuu yaaqaano inuu wax qorsheeyo, kuna saleeyo waxkasta sida uu umaleeynaayo in aan u jeclahay, oo farxadayda ugu heli karo. Waxuu ahaa hogaamiye, qorsheeye, fuliye, isku filan, oo aysan jirin wax uusan ii qaban Karin. Wuu shaqeeynaayay maalinkasta ku dhawaad, sabdiga iyo axada ma ahane, labadaas maalina waxeey ahaayeen maalinka aan gurigeena iyo nafteena u diyaarino asbuuca cusub, oo aan isla nasano. Waxaan yeeshay uurkii koowaad tooba bilood guurkeenii kadib ee sanadkii 1995, waxeey aheeyd farxadii ugu weeyneed ee Bile aan wada qaybsanay, tii guurkeena weey nagala weeyneed xataa. Laakiin waa dhib badneed, aad ayaana u xanuunsaday markiiba, ilaa aan joojiyay in aan wax cuno, oo isbitaalka la i seexiyay.
Waxuusa ahaa nin garti leh, oo yeeshay adadeeg iyo naxariis intii hore kasii badan, iguna celinaayay nafta iyo rajada. Si degdeg ah ayuu ii qabtay xanuun, dhiig badan oo iga sodane ugu baarugay. Bile ayaan wacay dukaanka hoosteena ku yaalo adeeg ka doonay, asigoo ordaayo ayuu yimid oo anbalaas wacay. Waxaana ka kacay subaxii danbe anigoo la I wada kortaaganyaay, oo cunugeenii oo ku haayo xabadkayga Bile. Ma aqoonin sida ahaa, oo waxaan miirbeelay inta la ii soo waday isbitaalka, waaba qalanahay. Ala nasiib darniyaa! Ma arkin cunugayga markuu dunida yimid, maxaan ka dheefay xanuunkii, iyo matagii 8da bilood iga sodcday? Yaab waxaa laheeyd in uurkii ku xigay afar sanno kadib, aysan meel i xanuunin, anagoo sugeeyno in xaaladayda dhamaatane uu dhashay wiilkeena labaad.
Wiilkeena koowaad aad buu ugu egyahay, una jeclaa aabahiis, oo aniga xanuunka aan ku dhalay dartiis bilahii noloshiisa ugu horeeyy, awood badan oo aan ugu ahaadu hooyo ma laheen qaliinkii kadib, in aan nuujiyo maahane, taas oo keentay inuu waqti badan la qaato aabahiis, oo asiga hooyo iyo aabe u ahaa. Aniga dhiig kar heer qatar ah ayaa la iga helay, oo qasbay in la ii diido, buuqa iyo soo jeedka badan, meeshaas oo ku jabay Bile, oo laga rabay subaxii shaqo, habeenkii inu ugu yaraan laba mar ka kasho wiika hadiiba oo asiga ka kicin, oo siiyo caano. Illaah ayaa ugu gargaaray inuu ahaa wiilkeena cunug iska aamusan, oo ooyintiisa aad u yareed.
Markii wiilkeena labaad buuxiyay laba sanno, 2000 ayaan dib ugu laabtay waxbarasho, iyo in aan ku fekero mustaqbal kale. Waxaana ii fududeeyay Bile, oo asiga aad u jeclaa horumarkayga, iyo waxkasta oo aan ka sugaayo mustaqbalkayga, iguna caawiyay in aan qaato shahaado jaamacadeed. Ma aheeyn nin lacag xisaabiyo, ama ku xisaabtamo waxa dhaqaale ah ee aan shaqeeysto, arintaan oo keentay in waligeenba hal biil nagu filnaa, anaga aan ku qanacsaneeyn, madaama aan ogeen in hadii aan aniga goaan ku gaaro lacala in aan shaqeeynin xataa dhibaato dhaqaale naga soo gaari doonin. Arintaan waxeey ii fududeeyay in aan caawiyo reerkayga, oo aan soo waddo sadax ka mid ah caruurta ila dhashay, oo Yurub ila soo dagaan, hooyadayna u dhiso guri ay ayada leedahay, madaama aan lacagtayda ay aheeyd mid aan aniga uun iskugu isticmaalo. Bile waa ku faraxsanaa, muhiimadiisa koowaad ayaa waligiis aheyed inuu ahaado nin isku filan, oo reerkiisa asiga ka ah masuul, waxkasta ha quseeysee, ilmaheena inta ana ka warhaayay, oo aan ogaa xaaladahooda kala duwan iyo intuu asiga waxkasta ogaa, una habeeynaayay isma keeni karin. Waxuu ahaa qof aan ku riyoodo, oo in aan noqdo asigoo kale aad bana u jeclaa.
Bile markasta oo aan ag fadhiyo oo aan fiirsho waxaa indhahiisa iig muuqato murugu xadkeeda dhaftay, mana aqaano wax aan qabto si aan hal daqiiqo xataa u arko asigoo degen, oo ku sabray qaddarta Rabi. Badanaa waa la joogaa oo aqriyaa quraan, buugaag, joornaalada, wixii aan soo arkay oo dhan ugu sheekeeyaa, maxaayeelay dhaqaatiirta ayaa igula taliyay in aan wax badan ka aamusnaanin,, oo ay u badantahay in maskaxdiisa ay soo jeedo, nala maqlaayo, laakiin uusan jawaabi karin, isna dhaqaaji karin, sidaas darted in aan ula dhaqmo sidii aan markii horaba ula dhaqmi jiray ayaa la ii sheegay, una sameeyo waxkasta oo asiga sameeysan jiray.
Isbitaalka weeyn ee London waxaan kula jiraa ninkayga hada lix bilood. Dhaaqaatiirta waa sabreen, masa rabaan in ay sheegaan, oo madaama weli maskaxdiisa baritanada lagu sameeyay aysan xumeen, oo ay joogto ma joojin Karin daaweeyntiisa sharciyan. Riyo cusub oo ii bilaabatay ayeey noqotay, rajo aan meel laheeyn. Waxaan gaaray heer aan wareera, oo aan magacayga aqoon waayay, taas oo qasabtay in la i seexiyay isbitaalka aniga asbuuc, madaama ay ogaadeen in seexanin waxna fiicane cunin inta ninkayga yaalay isbitaalka, arintaan waxeey keentay in faleenbooyin nafaqa ah la i siiyo, lana iina balamiyo gabar aan isnaqaanay oo muslimad, baratayna madaama cilmi nafsiga, madaama dhaaqaatiirtooda kale fahmi waayeen fekerkayga maskaxeed iyo dhibaatayda nafsiyadeedba. Nasiib wanaag gabadhaan oo fahantay dhibkayga, ayaa iimaankayga dib u dhistay, iina xasuusay in waxaan oo dhan yihiin tijaabo, rajadana aan dhigin, oo aan sii wadato salaadayda iyo soonkayga, iskuna dhiibo qadarta Rabi. Waxaan u sheegay in aan ka cabsanaa in maalin uun ninkayga ka kaco sariirtaas asigoonan i aqoonin, oo aan ka mid ah waxa ka tirtirmay xasuustiisa, wax cadeeyn ah aan u heeynin, oo xataa ilmaheenii dhinteen. Wixii ugu danbeeyay oo maqlayna ay ahaayeen geeridooda. Dhacdooyin badan oo sidaan qof loogu sabray laakiin qofkii soo noolaaday, caadina ula nooladay dadkii oo horay ula noolaanaa ayeey ii sheekeeysay.
Jiifka oo hada jiifane hadii maskaxdiisu soo jeedo oo ogyahay inuu yahay ninkayga, qofta kale ee jecel, ee weli sanad kadib kortaagan, oo aan ka quusaneeynin. Waa iga tagtay, oo subaxya badan sidaan i soo booqaneeysay, iina bareeysay waxyaabo kale duwan oo aan ku fekero karo, si uu iiga yaraado xanuunka ay igu heeyso inuu i aqoonsan waayo haduu lacala ka kaco. Waxaa ka mid ahaa fekradaheeda in aan qoro walaacayga, wixii koowaad oo aan qorayna, waxeey aheeyd warqdaan. Kadib waxaan bilaabay in aan albunkeenii oo yaalay guriga walaalkay Jabriil, markii aan soo baxeeyna uu i soo siiyay, madaama kuweenee la gubteen gurigeenii, oo waxba ka harin. Masawiradii ayaan soo baxsaday, oo buugii koolo kula dhajiyay, xaalad murugo badan ayeey aheeyd. Waxaansa dareemay in Bile maqlaayo hadalkayga, u jeedo oo fahmaayo sawirada aan ku horhaayo, waxuuna dhaqaajiyay gacantiisa, oo iga qaaday masawir aan aheeyn anaga iyo caruurteena, oo shumiyay, ilin ayaa indhahiisa kasoo daatay. Arintaan waa ii farxad gelisay, oo warkii dhaqtarada waa xaqiiqo, wax u yaqaano tus, kalaga hadal oo uu kula fahmaayo, soo ogaad waxa ka maqan. Waxaan ogadaay inu ogyahay in wiilasheenii tageen, oo aysan nala joogin, aad ayaana iskugu furfuray, oo ugu sheekeeyay wixii nagu dhacay inta uu sariirtaa joogay oo isbitaalba mar nagula soo tuuray. Maalinba maalinka ka danbeeysa xiisahiisa waa sii badanaayay, oo waa isa sii fahmeeynay.
Nasiib wanaag, London magaalo aan sanado badan degeneen oo aan ku leenahay saaxiibo badan ayeey aheeyd. Waxaana maalinksta booqasho noogu soo socday dadkii aan aheeyn derisk, asaxaabta, iyo asaxaabta shaqaba oo qofkasta la yaaban qaddarteena sida ay u xumaatay, oo hadane Londontii aan ka cararay noo soo celisay, daka murugada ninkayga ku haayay anigaa ugu darnaa, oo ay ka cabsi qabeen in aan qarxo, oo aan is dhiibo, laakiin ma ogi waxa igu jiro, oo ma aheeyn xiligaan waqti aan u ahay diyaar in aan jiifto sariir isbitaal, ama aan aqbalo in la ii danbi dhaafo maxaayeelay miskiin danbi noloshu ka gashay ayaan noqday. Saxiibtay Sumaya ayaa tiri: “ Gabadhayda weeyn aad beey u rabtaa in ay ku aragto waa hadii aad ogoshahay? Waxaan ka cabsanaa in ay Deeq ku soo xasuusiso oo ay kugu dhaliso aragtideeda dareen aad u aheeyn diyaar hada?” Waxaan ku iri inta ku qoslay: “ Sumaya ma la iga qarin karo caruur oo dhan… tirade ayeey ka bateen… gabadhaada baahida ay u qabto wiilkii yaraa ee saaxiibkeed ahaa hooydiis asigoo dhintay in ay aragto oo ay isku sabar siiso oo kale ayaan u qabaa in aan sabar siiyo ayada, ana is sabar siiyo.
Maxaayeelay Aniso oo kali ah oo Deeq la soconin waa calaamada koowaad oo maskaxdayda ku garanan doonto muusiibada dhacday… ee soo wad abaayo..!” Waa igu kor ooysay, anagoo sidii iskugu dhgan oo u ooyneeyno ayeey soo gashay gabar kalkaaliso ah. Anisa arageeda waxuu ahaa murugo weeyn, waqtiga yar oo aan ka maqnaa London wax ka yar 3 sanno uun, ayeey sidaan ugu sii kortay, maasha Alah. Waxeey ii sheegtay in ay aqbali karin in aan soo laabtay kaligay, ilmihii ay la cayaari jirtay dhinteen, madfaca laga sheegi Universal TV oo aabe iyo hooyo habeen kasta fiirsadaan oo dilay saaxiibkeed caruurnimo. Waxaan dareemay in ay rabto in ay runta ii sheegto, laakiin hooyadeed oo joogto ma awoodo in ay wax sheegto. Ciil gooni ah in ay ii qabto ayaa ka muuqatay, oo ay ii leedahay maxaad kala doontay habaryar meesha madfaca ka dhacaayo Deeq? Ma ii balan qaadin in aan isku imaan doono fasax kasta, oo aan isku jaamacad dhigan doono markaan waa weeynaano? Maxaad u geeysay meesha ay ku dhinteen? Haa, maxaan u geeyay? Aniga xataa ma aqaano wax aan naftayda ugu jawaabo ama ku sirsiro, si ay ugu qanacdo?……………………………………………..
;
Aqriste la soco qaybta danbe ee qisadii qaraarka badneeyd ee ”Ila OOY!!!”
Wixii dhaliil ama sixitaan luuqadeed ah igu soo hagaaji emailkaan: samsam_1989@hotmail.com
19/10.2012 W/Q Ifraax Y. Ciyow
________________________________________________________________________
Share on Facebook
![]() |
Socialize