Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda Hoose oo ammaankeeda maalmahan faraha kasii baxaye ayaa waxaa halkaasi ka dhacay dil loo geestay qof shacab ah.
Lama oga sababta ka dambeysa dilkaan loo geestay qofka shacabka ah ee kooxaha hubaysan ay dilka ugeesteen.
Magaalada Kismaayo ayaa maalmihii dambe waxaa sii xumaanaye ammaankeeda waxaana halkaasi ka dhacayay dilal kala duwan oo loo geesanayo dadka shacabka ah iyo ciidamada dowladda.
Dhanka kale wararka Kismaayo ka imaanaya ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya fariisin ay ku lahaayeen duleedka Magaalada dagaal lagu soo qaaday.
Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay inay soo qaadeen weerarka dagaalka ah inkastoo aan la ogeen khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkaasi dagaalka ah.
Majirto saraakiisha dowladda Soomaaliya wax war ah oo kasoo baxay kaasi oo ku aadan dilalka iyo dagaalka ka dhacay Kismaayo.
![]() |
You must be logged in to post a comment Login