wararka aanu ka heleyno gobolka Jubadda Hoose ayaa sheegeya in labo diyaaradood oo dagaal ay saaka duqeeyeen kolonyo gaadiid Alshbaab wateen oo goor danbe oo shaley aheyd soo gaarey deegan u dhow dhoobley una jirta 17-Km.
Labo oo Gaari oo nooca dagaalka ah iyo Mid Xamuul ahaa ayeey diyaaraduhu Gantaalo ku tureen,kadib markii ay ka war heleen in kolonyadan ay la socdeen xarakada Alshabaab.
Xiriiro kala duwan aan la sameynay dadka ku dhaqan deeganada u dhow Dhoobley ee Miyiga ayeey noo xaqiijiyeen in ay maqlayeen diyaaradah duqeynta geysanaya,iyagoo intaasi sii raaciyey iney ka danbeysey duqeyntani kadib markii shaley ay soo gaareen miyaga dhoobley labo gaari oo nooca dagaalka iyo mid xamuul ah.
Madaxda Amniga dawlada ayaa sheegey in ay ku baxeen ciidamo ka tirsan dawlada oo ka tagey dhoobley iyagoo ku wajahan deegaanka la duqeeyey iyagoo sheegey in dagaalyanada Alshabaab ay qorsheynayaan iney jidka ugalaan ciidamada ku safra inta u dhaxeysa Dhoobley iyo Afmadow.
Bilowgii bishan ayeey aheyd markii ay ciidamada huwantu ay Alshabaab ka qabsadeen Alshabaab magaalo xeebeedka Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubadda Hoose iyagoo weeraro cirka dhulka iyo badaba ah kadib qabsadey.
Balse ilaa iyo hada weli ma aysan joojin ciidanka Kenya oo ka tirsan AMISON duqeynta dhinaca cirka ah iyagoo duqeymo weli ka geysanaya deegaanada gobolada Gedo iyo Jubooyinka oo ay kula dagaalamayaa kooxda Alshabaab.
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login