RW Saacid Amaanka ayaa ugu horeeyo arimaha aan wax kaqaban donoo

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi faarax Shir-doon (Saacid) ayaa sheegay in Xukuumadiisa ay taageero ka sugeyso shacabka Soomaaliyed, kadib markii uu khadka taleefanka uga qeyb galay kulan lagu taageerayay oo ka dhacay dalka Sweden.

Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa sheegay in dowladda ay diyaar u tahay inay taageerto shacabka Soomaaliyed, lagana sugayo inay kala shaqeeyaan nabadgelyada, isagoo balan qaaday in lagu shaqeynayo rabitaanka shacabka.

“Dowladda waxay diyaar u tahay inay shacabka Soomaaliyed taageerto, waxaana lagu shaqeyn doonaa rabitaanka shacabka”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid.
Mar uu ka hadlayay arrimaha Maamul u sameynta Gobolada ayaa sheegay in Maamul aanay raali ka aheyn shacabka aan la sameyn doono, isagoo xusay in talada ay leeyihiin shacabka sida uu yiri.
Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa sheegay in Xukuumad tayo wanaagsan leh uu soo dhisayo, waxaana uu cadeeyay in 100-ka maalmood ee ugu soo horeeyay uu xooga saari doono ammaanka, oo uu xusay inay muhiimad gaar u tahay.

“100-ka maalmood ee ugu horeeya waxaan xooga saari doonaa sugida ammaanka, oo ah mugiimad gaar ah, dib u dhiska dalka iyo kaabayaasha dhaqaalaha”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa arbacadii la soo dhaafay kalsooni ka helay Baarlamaanka Soomaaliya, markii ay cod aqlabiyad leh ay siiyeen, waxaana laga sugayaa Ra’iisul Wasaaruhu inuu soo dhiso Xukuumad cusub maalmaha soo socda.

Xukuumada cusub ee Soomaaliya ayaa waxaa horyaala howlo adag oo ay ugu weyn tahay arrimaha Maamulada Gobolada oo khilaafyo siyaasadeed ay ka taagan yihiin.

.

Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya

__________________________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on October 20, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login