Arday deeq waxbarasho ka heshay Turkiga oo maanta ka dhooftay Muqdisho

Inkabadan 250 Arday Oo Deeq waxbarasho ka helay dalka turkiga ayaa maanta ka amba baxay dalka soomaaliya iyagoona diyaarad gaar ah ka raacay garoonka Aadan Cade ee magaalada Muqdiosho.
Ardaydaan ayaa isugu jira arday horay u heestay heerarka kla duwan ee jamacadeed iyagoona aay ka mid ahayeen qeybaha aay u baxeen Bechlorka iyo herka Majesterka iyo waliba kuwo u baxay PHD da , iyadoo aay ka mid ahaayeen arday horay wax uga soo dhigatay jaamacadaha Muqdisho.
Ardaydan oo ka faa’ideysanaya deeq waxbarasho oo si lacag la’aan ah ay ugu talagaleen dadka Soomaaliyeed ayaa waxaa ka mida ugu yaraan 30ka mid ah macalimiinta jaamacada muqdisho iyo waliba shaqaalaha jaamacada ku waas oo deeqo wax barasho ka helay kuliyaad kala duwan ee jaamacadaha dalka turkiga duhurnimadii maanta laga sagootiyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Ardayda maanta ka dhoofay Muqdisho ee deeqda Waxbarasho ka faa’ideysanaya ayaa waxaa ka sogootiyaya halkaas madax ka tiesan safaarada dalka turkiga iyi waliba ehelada arday baxeeysay maanta , iyadoo aay ka duwaneed maanta fursadihii ay horey uga ambabaxi jireen dalka ardaydii ka horeysay waxaana ardaydan ay fursadahan ku heleen imtixaan dhanka Internetka ah.
Dowladda Turkiga ayaa iyadu ah xiligan Dowladda ugu badan deeqda Waxbarasho ay ka helaan ardayda Soomaaliyeed ee Mustaqbalka Dalka usoo baxaya waxaana ardayda maanta ka ambabaxday Muqdisho ay kakala yimaadeen gobollada dalka oo dhan.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on October 21, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.