Maanta oo kale 21 sano oo Xus ah oo ay badashay 21 sano oo xus la aan ah ‘Oktoobar waatee waa tuma.mirihii Abwaan Saciid Xarawo’

Maanta oo kale 21 sano oo Xus ah oo ay badashay 21 sano oo xus la aan ah ‘Oktoobar waatee waa tuma.mirihii Abwaan Saciid Xarawo’

Maanta oo kale 21 sano ka hor waxaa laga xusi jiray Guud ahaan Soomalaiya gaar ahaan Fagaaraha ka soo Horjeeda Tarabuunka Xuska Maalinta 21 oktoobar oo aheyd Maalintii uu Xukunka Milatari la wareegay Soomaaliya 21-10-1969kii Waxaana Munaxabadaasi moo siw eyn loo Buun Buunin JIray ilaa inta ay socoto Bisha Oktoobar waxii ka horeeyay 1991kii isla markaana Warbaahinta Radio <uqdisho ay taabin jirtay Barnaamijki loogu Magac Daray Maxay qabatay Towradu' aya waxaa xusid Mudan in Munaasabadaasi la ilaaway 21 sano ee ugu dambeysay waxaana Manata oo sabti ah ay ku beegan tahay 21 sano markii ay ka soow areegtay Xus la aanta Munaasabadaasi oo hada ah mid meesha ka baxday,halak 21 sano ee ka horeeyay ay aheyd Bartilmaameedka 1 ee xusaska Soomaaliya.
Abwaano Caan ah ayaa Buunbuuninta Heesah Kacaanka lagu xasuustaa waxaana ka mida Abwanaadaasi AUN Marxuumiintii Cabdi Muxumed Aamiin,Cabdi Bashiir Xasan' Indho Buur' Ismaaciil Xirsi Farxaan, Maxamed Cali Kaariye, Abwaan Bare Maxamed Fiidoow 'Leento'iyo Abwaan saciid Maxamed Xarawo oo iyagu ku kala sugan Dalka Dibadiisa iyo Gudihiisa iyo kuwa kale.

Idaacada Raadido Muqdisho 21 sano ka hor heesaha kacaanka ee ay Baahin jirtay waxa ay ahyeen Kuwa Fara badan waxaana ka mid ahaa ( Waxaa Hiil leh,Oktoobareey adaa lahaa,Oktoobareey Ahlan wasahlan, Oktoobar Waa tee Waa Tuma,Wadadii cadeeyd, Nin Xilqaaday eed qaad, Xisbigeena, Siyaadoow Na daadihi,waxa ayna ahayen Heesahaasi kuwa lagu weyneynayay Munaasabada 21 Oktoobar oo Manata ay ka soow areegtay 21 sano oo xus la aan ah.

Waxaa Diyaariyay.

Axmed Maxamed Cabdulle'Uurdoox'
Uurdoox2011@hotmail.co

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on October 21, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.