Afhayeenka dhanka dagaalada ee Ururka Al-Shabaab ayaa ka warbixiyay dagaalo ay laqaaten ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa Kenya oo siyaabo kala duwan uga dhacay deegaano ka tirsan Gobalka Shabeelaha Hoose
Afhayeen Abuu Muscab oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa wuxuu sheegay laga soo bilaabo talaadadii la soo dhaafnay ilaa shalay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay gaarsiiyeen khasaaro kala duwan sida uu hadalka u dhigay Abuu Muscab oo lahadlaayay warbaahinta
Abuu Mascab oo hadalkiisa siiwata ayaa waxa uu tilmaamay in dagaalada ay la qaaten Amisom iyo Ciidamada Dowladda ay ku dileen 27-askari oo 18-kamid ah ay yihiin ciidamada AMISOM
Abuu Muscab waxa uu tibaaxay inay gubeen Gaawi beebe ah oo ay saarnayen Saraakiil cadaan ah oo uu ku sheegay inay ahaayen Saraakiishii hagaayay Dagaalka sida uu warka u dhigay
Hadalka Afhayeenka ayaa imaanaya xili laga cirib tiray Gabi ahaan Somalia wallow ay iminka jiraan Rag iyaga katirsan oo ku dhuumaleysanaaya magaalada iyo daafaheeda hadana ma jira awood rasmi ah oo ay leeyihiin
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login