Wariye caawa lagu dhaawacay Muqdisho

Kooxo Hubeysan ayaa caawa goor dhawed waxeey dhaawac u geesteen wariye ka howl gali jiray Idaacda iyo tvga shabelle xili uu ku sugnaa degmada Wadajir waxaa na lagu magacaabi jiray Maxamed Maxamuud Tuuryare.

Wararka ayaa sheegaya in rag ku hubeysan bastoolado ay ku weerareen meel u dhow gurigiisa oo ku yaal Xaafada Xaawo Taako, iyadoo rasaasta kaga dhacday caloosha iyo feeraha.
Wariye Maxamed Bashiir oo isna ka tirsan idaacda shabelle ayaa sheegay in Wariyaha dhaawiciisa yahay mid culus, isla markaana haatanlagula tacaalayo Isbitaalka Madiina oo xaaladiisa caafimaad lagu baxnaaninayo.

Wariye Maxamed Maxamuud Tuuryare ayaa u qaabilsanaa shabelle qeybta Website-ka idaacada Shabelle oo uu ka mid ahaa wariyeyaasha wax ku qorayay waxaa kaloo uu ahaa mid ka mida soo saarayaasha barnaamijyada idacaada.
Magaalada Muqdisho ayaa waayahaan ka nasatay dilka loo geesto wariyayaasha xili wariye lagu magacaabo Jamaal uu dhawaan ku qoray wargees kasoo baxa dalka ingiriiska warbixin dhalisay cabasho ka imaaneeysa wariyaasha Soomaalida oo sheegaya in aay san aheen war bixin wadato xog dhameestiran ayaa tan caawa dhacday waxeey noqoneeysa mid kamida ah dhacdooyinka aan ku cusbeen dhagaha iyo dhaayaha dadka soomaaliyeed.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on October 21, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.