Xaflad si heersare loo soo agaasimay laguma taageerayay Raisul Wasaaraha Dowlada Federaalka Mudane Cabdi Faarax Shirdoon ‘Saacid’ ayaa ka dhacday magaalada Toornto ee dalka Canada.
Xafladaan oo ka dhacday hotelka Days Inn ee kuyaalada Galbeeldka magaalada Toronto ayaa waxay aheyd mid ay kasoo qeyb galeen dhamaan qeybaha kala duwan ee jaaliyada Soomaaliyeed ee Toronto kuwaasoo isugu jiray Siyaasiyiin, Aqoon yahano, waxgarad, haween, dhaliyaro, fanaaniinta iyo bahweyta Saxaafada ee reer Toronto, iyadoo ay halkaasi hadalo dhiiri gelin, waano, duco, codsi iyo amaanba kasoo kala jeediyay qaar kamid ah dadkii halkaas kasoo qeyb galay.
Ugu danbeytiina waxaa khadka Telefonka sitoos ah lagu xiray Ra’isul Wasaare Cabdi Faarax oo kusugan magaalada Muqdisho isagoo u mahad celiyay jaaliyadda reer Toronto taageerada buuxda ay siiyeen una balan qaaday inuu waajibaadka loo doortay uga soo bixidoona sidii laagu doortay kuna boosriyay jaaliyada Soomaaliyeed eee Toronto inay kala qeyb qaataan dib u dhiska wadanka una balan qaaday inuu u diyaarin doono qorshe ay kaga qeyb qaataan horumarka dalka iyo dib usoo noqoshada Jaaliyada dibada.
SAWIRADII XAFLADA:
.
Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Toronto, Canada | info@qaranimo.com
_________________________________________________________________
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login