Xukuumadda Madaxweyne Xassan Sheikh ayaa lagu soo waramaaya inay wado qorshe ka duwan qorshooyinkii looga bartay xukuumadihii horay usoo maray dalka Somalia.
Madaxweyne Xassan Sheikh iyo Raisul wasaare Shirdoon ayaa lagu wadaa in Xukuumadda Cusub gaar ahaan Wasiirada ay kala imaadan dhanka Sudan waxa ayna wararku sheegayan in Raisul wasaaraha uusoo wado Wasiiro kasoo qalin-jabiyay Jaamacadaha ku yaala dalka Sudan.
Xukuumadii tagtay ayaa waxaa inta badan u badnaa Dhalinyaro kasoo qalin jabisay Jaamacadaha ku yaala dalka Sudan kuwaasoo taariikhda ka galay baal dahab ah islamarkaana sabab u noqday inay hagaajiyaan dalka Somalia oo ku dhawaad 22-sano aan helin kala danbeyn.
Ugu danbeyntii Xukuumada cusub ayaa la filaaya inay wasiirada kala imaado dhanka Dhalinyarada waxkabartay dalka Sudan kuwaasoo lagu amaanay howl-karnimo.
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login