60-guri oo uu daad qaaday Galgaduud

In ka badan 60 guri oo ka sameysan cooshado iyo baco ayaa daadad xooggan qaadeen kuwaasi oo ay deganaayeen dad barakacayaal ah oo ku noolaa degmooyinka Caabudwaaq iyo Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Daadadka ayaa ka dhashay roobabka deyrta oo ka da’ay degmooyin badan oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Maxamed Cabdi Maxamed oo ka mid ah dadka ku nool degmada Guriceel ayaa sheegay in daadadku ay saameeyeen dad badan oo dan yar oo ku noolaa degmooyinka Guriceel iyo Caabudwaaq, kuwaasi oo hadda aan heysan hoy ay ka galana dhaxanta.

Wuxuu hay’adaha samafalka iyo dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay gurmad deg-deg ah gaarsiiyaan dadka ay saameysay daadadkaas.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on October 23, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.