Hanjabaad dowlada Ingiriiska loo diray
xarakada Al-Shabaab ee Soomaaliya ayaa wacad ku martay inay weerarkii ugu xumaa ay ka geysan doonto wadankaasi Biriten, iyadoo arintasi ku sababaysay wadad mintid ah oo kasoo jeda wadanka Masar oo gacanta loo galiyay dawlada dalka Maraykanka.
War saxafadedka oo ka soo baxay xafiiska war faaafinta Al-Shabaab ayaa la soo dhigay barta ay shababku ku leyihiin tuwiterka midkasi oo loogu sheegay dawlada Biriten in ay la kulmi doonto cawaaqiib ku aadan
weeraro ka dhaca wadankasi.
Fariinta Al-Shabaab ayaa intaa lagu daray in maraakibta kaga sugan dawlada biriten badweynta india ay yihiin kuwo u nugul weerarada Al-Shabaab ay ku dhibaateyn karto muwaadininta wadankasi.
Abu Xamsa oo ah nin kasoo jeda wadanka masar ayaa ahaa qof si aad ah uga agdhawaa hogaamiyihii hore ururka al-qeada osama bin laadin,al-shabab ayaa horey u sheegatay in ay ku biirtay al-qaeda-da calamka.
Warka kasoo yeeray al-shabab oo hanjaabad ah ayaa kusoo beegmaya waqti ay dawladaasi ay ka walaacsan tahay muwadinin biriten ah oo ka bar bar dagaalamaya xarakada Al-Shabaab ee Soomaalia.
7-bishi july sanadii 2005-ti wxa casimada dalka biriten ee london ka dhacay weeraro is xig xiga o ismiidamin ah.
Share on Facebook
Other Interesting posts:

Posted by
Ayaanle
on October 23, 2012. Filed under
Warka Maanta.
You can follow any responses to this entry through the
RSS 2.0.
Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.
Socialize