Howlgalo amaan oo laga fuliyay Bariisle

Howlgal ciidanka militeriga maamulka Somaliland ay ka sameeyeen deegaanka Bariisle oo u dhow magaalada Lowya-cade ayaa waxay ku soo qabqabteen ku dhowaad 35 ruux oo ay ku eedeeyeen in ay ka shaqeeyaan arrimaha tahriibka iyo kuwo doonaya inay tahriibaan.

Taliyaha ciidanka militeriga Ismaaciil Cawaale ayaa Bar-kulan u sheegay in howlgal ay ka sameeyeen xuduudda u dhaxeysa Jabuuti iyo Soomaaliya ay ku soo qabteen dadkaasi.

Ismaaciil Cawaale ayaa sheegtay in dadka la soo qabqabtay ay u gudbiyeen saldhig ciidan oo ku yaalla degmada Lowya-cade, isagoo intaas raaciyay in dadkaasi doonayay in ay tahriibaan ay ka yimaadeen dhinaca koonfurta Soomaaliya iyo Itoobiya.

Muddooyinkii dambe waxaa ku soo badanayay xeebta degmada Seylac ee gobolka Awdal dad doonaya in ay tahriibaan.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on October 23, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.