Maxkamad ku taal Puntlan oo dil ku xukuntay nin u dhashay dalka Yeman

Maxkamada darajada koowaad ee Gobolka Nugaal ayaa maanta waxeey dil toogasho ku xukuntay muwaadin u dhashay dalka Yemen kaas oo lagu magacaabo Saalix Cafiifii, kaasoo lagu soo eedeeyay in uu soo galiyay dalka gaar ahaan gobolka Bari dooni waday hub sharci daro ah.

Ninkan eedeysanaha ah ee la xakumay maanta ayaa da’diisa lagu sheegay 50-jir ayaa Maxkamada ku heshay dambi inuu hub ka kooban qoryaha garbaha laga rido, bastoolado iyo budada laga sameeyo waxyaabaha qarxa uu soo gelinayay deegaanada Puntland , iyadoo aay soo qabteen ciidanka Puntland oo garab ka helaayo daka deegaanka , xili uu ku duugnaa meel ku dhaw xeebta .

Eedeysanahan ayaa la sheegay in Doonidan uu ka soo kaxeeyay magaalada Mukala ee dalka Yemen, halkaasoo uu ka soo qaaday Hubka uu soo geliyay deegaanada Puntland, waxaa na lagu eddeyay in uu u wadayb bxarakada alshabab ee ka dagaalanta koonfurta Soomaaliya, isla markaana la doonayay in weeraro lagaga geysto deegaanada Puntland.

Maamul goboleedka Puntland ayaa dagaal kula jirta Islaamiyiin uu hor kacaayo wadaad lagu magacaabo Shiikh Atama kaas oo kasoo jeeda Bari isagoona saldhig ku leh Buuraha Galgala, iyadoo horaantii sanadkan ay ku biireen Al-Shabaab oo iyana horay ugu biirtay UrurkaAl-Qaacida.

.

.

Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya

________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on October 23, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login