Xaflad lagu taageerayo RW Saacid – London

Xaflad si heer qaran loo soo agaasimay oo lagu taageerayay Raisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon ”Saacid” ayaa lagu qabtey xaafada Euston ee magaalada London habeenimadii sabtida oo ay taariikhdu aheyd 20 Oktobar 2012.

Waxaana si weyn uga qayb galey  xafladatan qaybaha bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada London,kuwaasoo isugu jirey odayaal, waxgarad, aqoonyahano, siyaasiyiin culumaa’udiin,haweenka, fanaaniinta,abwaanada,qorayaasha, dhalinyarada iyo isboortiga,waxayna aheyd xaflad aan loo kale harin oo ay ka muuqatey shucuur Soomaalinimo iyo mid wadaniyadeed.

Xaflada intii ay socoteyna waxaa ka hadley dad aad u badan oo aanan halkaan magacyadooda ku soo wada koobi karin,waxaana si toos ah looga daawanayay Universal TV, halka TV-yada ka howl gala magaaladaan London ay dhamaantood barnaamijka ay ka qayb qaadanayeen.

Dhamaan mudanayaashii iyo marwooyinkii hadley  waxay sheegeen inay taageerayaan dowlada cusub ee Soomaaliya ka dhalatey, kuwaasoo talooyin aad u wanaagsan gudbiyay Raisal wasaare Dr. Cabdi Faarax  Shirdoon oo isna si toos ah uga daawanayay barnaamijka xaruunta Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.

Kadibna waxaa halkaasi  si toos ah dadkii xaflada ku sugnaa iyo dadkii kale socdeyba TV-yada la soo hadley wasiirka koowaad Dr.Cabdi Faarax Shirdoon ”Saacid”, salaan iyo mahadnaq kadib wuxuu u sheegay inuu soo dhisi doono xukumad tayo leh oo lagu xisaabtamo howlaha horyaal,islamarkaana wuxuu ka  codsadey in qurbajoogta reer London inay kaalintooda ka qaataan dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Waxaa kale xaflada ku sugnaa qunsulka dowlada Soomaaliya u fadhiya UK mudane Dhuub Aden Cali iyo u qaybsanaha wasaarada arimaha dibada dowlada Ingiriiska ee arimaha Soomaaliya haweeney ka socotey, kuwaasoo ka mid ahaa dadkii ka hadley xaflada soo dhaweynta iyo taageerada  Raisal wasaare Dr.Saacid.

Waxaa kale meesha ku sugnaa mudane Cabdulqaadir Xaaji Masale, mudane Cali Xaaji Yusuf, mudane Maxamed Cali Bare, mudane Cabdirashiid Aden Seed, Mudane Dhagaweyne, Danjire Caalin.Advocate Xuseen Diriye, Mudane Cabdulqaadir Isoomareey,Mudane Sayga Ruushka,Mudane Dahir Cali,Mudane Maxamed Buuwe, Mudane Shirwac Guuleed,Mudane Aden Mobleyn,Mudane Cabdi Axmed,Mudane Maxamed Khaliif,Eng Baana, Mudane Bile Cali, Mudane Seef,mudane Cabdullahi Garoon iyo dad weyne aad u fara badan oo aanan halkaan ku soo koobi karin.

Xafladiina waxay ku soo dhamaatey sidii loogu talagaley, iyadoo halkii uu hal mar isla qabsadey heesta ay ku luuqeyna fanaanada caan baxdey Hibaaq ” kumeel gaarkii ka gudubneey”, iyagoo halkaasina ay wacdaro ka dhigeen fanaaniinta reer London sida Cabdirisaaq Gaadaco,Qoomaal iyo  Abwaanka Xuseen Shire Ciyaal Jecel iyo qaar kale oo farabadan.

.

.

W/Q;Yusuf Maxamed Cabdi Yusuf

mrsomalia@hotmail.com

London

______________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on October 23, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.