Ciidamada Kenya oo howlgalo ka fuliyay Kismaanyo

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Ciidamada Kenya ay habeennimadii xalay siyaabo kala duwan guryaha iyo wadooyinka uga qafaashen Rag culimo ah oo isugu jira macalimiin dugsi iyo mu’adimiin masaaj

Raga la qafaashay ayaa lagu soo waramaaya in tiradooda ay tahay 5-Shan ruux oo siyaabo kala duwan magaalada looga kaxeeyay waxa ayna wararka intaasi kusii darayan in ragaasi loo dhadhiciyay dhanka Xeebta oo ay si rasmi ah ugu sugan yihiin Ciidamada Kenya

Dadka Deeganka ayaa shabakada u sheegay in ilaa iyo iminka aan nolol iyo geeri lagu hayn ragaasi la afduubtay waxa ayna kusoo waramaayan in loo badinaayo in ragaasi la qaarijiyay

Sheikh Maxamed ilyaas oo kamid ahaa Culimadii ku sugnaa goob laga kaxeeyay laba ruux ayaa shabakada u sheegay inuu maqlaayay risaas meel fog ka yeertay markii Culimadaasi laga kaxeestay Magaalada waxa uuna sheegay in loo badinayo in ragaasi ay ku baxeen gacanta Ciidamada Kenya iyo Maleeshiyada raaskambooni maadama mudooyinkaani magaalada ay kusoo badaneysay dilal qorsheysan

Macada sababaha kadanbeysa in xiligaani Maleeshiyada Raaskambooni iyo Ciidamada Kenya ay bilaban qafaal aan la garaneynin halka uu salka ku haayo balse dadka deeganka ayaa iyagu aaminsan in laga soo horjeedo waxa loogu yeeray Culimo

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on October 24, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login