Rag bistoolado ku hubeysan ayaa waxay dileen Wariye ka hawl-gala Telefishinka Caalamiga ah ee Universal, kaasoo ay dhawr xabadood uga dhufteen madaxa, feeraha iyo caloosha.
Raggaan ayaa waxay xalay wariyahaan ay ku dileen Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, iyadoo aanu si cad loo-aqoon ujeedadii ka dambeysay inay dilaan.
Wariyaha oo lagu magacaabo Axmed Faarax Ilyaas, balse loo-yaqaano Axmed Saakin, ayay raggaan si gaadmo leh ay ugu dhex toogteen Magaalada Laascaanood, oo ay Somaliland ka arrimiso.
Dadka Deegaanka ayaa waxay sheegeen in raggii dilay Wariye Axmed Saakin ay isaga carareyn goobtii ay Wariyaha ku dileen, isla-markaana lama garanaayo sababta keentay inay dilaan.
Ciidamada Somaliland oo soo gaaray goobtii lagu dilay Wariye Axmed Saakin oo hawl-galo ka sameeyay, ayaan jirin cid ay gacanta ku soo dhigaan, maadaama ay baxsadeen raggii dilka geystay.
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login