Sidee Dalka Soomaaliya Looga Saari Karaa Liiska Dowladaha Fashilmay ee Caalamka !!

Xalka dhibaatada ka jirta ama heysata dadka soomaaliyeed laguma soo koobi karo maqaal kaliya laakin waxaan isku dayayaa intii aan awoodo inaan iftiimiyo ilaa xad, walow wax kasta oo caalamkan ka jira uu allah xalkooda haayo

Soomaaliya wexey hormuud u tahay wadamada aduunka looga yaqaano dowladaha fashilmay oo eey safka hore kaga jirtaa waxaana taa sabab u ah soomaaliya oo aan leheen dowlad awood leh ilaa dhicitaankii dowladii kacaanka ee mudane marxuum maxamed siyaad bare sanadii 1991kii.

waxaa kaloo ka mid ah waxyaabaha fashiliyey shacabka soomaaliyeed iyo dowladooda ba dagaalo sokeeye oo ahli ah iyo qabyaalad jeceyl oo waliba qabiilka uu aasaasi ka noqday dhaqanka umada soomaaliyeed ama muqadas.

Soomaaliya ayaa moodaa hada sidii hore iney wax xoogaa ah dhaanto taasna uu mahadeeda allaah leeyahay markastana umada waxaan u sheegayaa inaan laga quusan naxariista allaah.

qodobadan soo socda waa qodobo aan is leeyahay hadii sida eey tahay loo fuliyo waa laga gudbi karaa dhibaatadan xidideeysatay ee ku habsatay dalka iyo dadka soomaaliyeed:

1} In la helo dowlad caadil ah dadkana ku dhaqda kitaabka allah

2} In la helo hogaan u qalma inuu dalka hogaamiyo lehna karti hogaamineed sida madaxweyne aan caajis badneen aan jilcaneen misna aan ad adkeen laakin ah madaxweyne dhaxdhaxaad ah lana jaan qaadi kara caalamka casriga ah.

3} In la helo ra’isul wasaare firfircoon soona dhisa xukuumad tayo leh ileen waxa fashilyey xukuumadihii hore waa gole wasiiro aan tayo leheen oo kaliya magac ku joog ah taasna in laga foojignaado.

4}In laga shaqeysiiyo xafiisyada iyo xarumaha wasaaradaha oo eey dadka helaan tacaamul toos ah iyaga iyo xukuumada oo aan loo kala tarjumeynin.

5} In la dhiso hey’adihii aminiga qaranka iyo difaaca si loo helo ciidan qaran oo xoogan sida ciidankii xooga dalka soomaaliya oo sumcad ku dhex lahaa caalamka gaar ahaan afrika loogana maarmo ciidamada shisheeye sida kuwa amisom.

6} In lala dagaalamo musuqmaasuqa iyo is daba marinta maxaa yeelay waxa wadankeena fashilieyey waxaa kow ka ah musuqmaasuqa oo waxaa yaraaday dadkii eey ku jirtay ruuxii wadaniyadnimo iyo alla ka cabsiga oo inta badan dadka umada horbooda ama hogaamiya ayaa jeebka iska geshta wixii wadanka iyo dadka wax loogu qaban lahaa.

7} In la hormariyo ilaha dhaqaalaha iyo caafimaadka taasoo muhiim u ah dhamaan dadka gaar ahaan danyarta.

8} Ugu dambeyn in la helo dad diyaar u ah waxaas aan soo sheegay oo waxaa lagu xantaa dadkeena soomaaliyeed ineey la qabsadeen dhibaatada iyo rafaadka eeysan weli u bisleen nabada iyo hormarka intaba.

Waxaasoo dhan waxaa sahli kara dowlada haatan la wada sugaayo oo looga fadhiyo howl adag maadaama uu wadanka u baahanyahay shaqo adag si looga saaro liiska wadama fashilmay.

C/fitaax Maxamed Daahiye{Injey}

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on October 24, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.