Abaanduulaha Ciidamada xooga dalka Jen. C/kariin Yuusuf Aadan (Dhegabadan) ayaa ku eedeeyay Al-Shabaab inay bilaabeen in dareyska Milateriga inay ku dhacaan dadka safarka ah, si ay ugu saariyaan Ciidamada dowladda.
Isagoo ka hadlayay goob shalay lagu soo bandhigayay Saanado Milateri oo Al-Shabaab laga qabtay ayaa sheegay in Dareysku aanay kaliya wadan Ciidamada dowladda, waxaana uu tusiyay saxaafada dareys milateri oo ku jiray agabkii laga soo helay goob Al-Shabaab ku qarsatay hub.
“Ma ahan Tuutuhu in askariga wato, waa arkeysaan tuutahan ayay bilaabeen inay jidka ku galaan oo ay dadka ku dhacaan, si markaas Ciidamada loogu maleeyo”ayuu yiri Jen. Dhegabadan.
Jen. Dhegabadan ayaa sheegay in aan lagu deg degin warka ah in Ciidamada dowladda dusha loogu tuuro dhaca loo geysto dadka safarka, waxaana uu ka dalbaday shacabka inay iska hubiyaan, si aanay Ciidamada dhibaato u soo gaarin.
Goob joogayaal ayaa xaqiijiyay in Ciidamo labisan dareyska Milateri, qaarna ay isbaarooyin dhigteen, kuwana jidka u galeen gaadiid safar ahaa, waxaana Askarta qaar la sheegay inay ka tirsanaayeen Guutooyinka Ciidamada xooga dalka.
Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa isa soo tarayay dhac iyo baarasho lagula dhaqaaqayay gaadiidka ku safra Shabellaha Hoose iyo deegaanada kale ee Bay, waxaana dadka qaati ka taagnaayeen wadooyinka oo noqday naar ka bood.
.
Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya
_____________________________________________
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login