Muriidi weeraryahankii barisamadkii…

Muriidi Abanuur Abati

Waxaan Maanta idiin soogudbineynaa Natiijada Wareega Finalka Codeyntii loo qaadayay Weeraryahankii Ugu Wanaagsanaa Soomaaliya Xiligii Barisamaadka Codeyntaan oo aheyd mid dhowr wareeg ka koobneyd ayaa Finalka waxaa isagu soo Haray Musharixiinta kala ah.

  1. Maxamed Ismaaciil Siteey
  2. Muqtaar Maxamed Axmed’ Muqtaar Cuti’
  3. Maxamed Xaaji UUreey
  4. Muriidi Abanuur Abati

Musharxiintaan oo Barisamadkii u kala ciyaari Jiray Naadiyadii Heerka 1ee Kubada Cagta Soomaaliya Horseed,Batroolka, LLPP iyo Madbacada ( MBC ) aya Codeyntoodas wareega kama dambeysta waxa ay soo Bilaabatay Sabtigii Todobaadkaan iyadoo ku ekeyd Khamiista Manata ah oo natiijada aanu idiin heyno .

Maxamed Ismaaciil Siteey waxaa U codeeyay.

  1. Saciid Cabdulqaadir Jaamac……………………………….Uk
  2. Jamiilo Maxamed Cali……………………………………….UK
  3. cabdiqafaar Xuseen Maxamed Muqdisho
  4. Cabdinaasir Cali Yuusuf Boosaaso
  5. Khadar Daahir Mire Hargeysa
  6. Saleebaan Aadan Barqadle Kenya

11kii Horseed Maxamed Ismaaciil Siteey waxa uu helay 6 cod waxaa ka halaabay 2 cod

Muqtaar Maxamed Axmed’ Muqtaar Cuti’ waxaa u codeeyay.

  1. Ismaaciil aadan Macalin K.Afrika
  2. Cabdulaahi Xuseen xaaji KSA
  3. Barqad Maxamed Maxamuud Baydhabo
  4. Maxamed Jaamac Hilowle Boosaaso
  5. Nuuradiin Yuusuf Maxamuud Hoolan
  6. Maxamed Xuseen Diirshe Uk
  7. Nuur Aadan Faarax Muqdisho
  8. Cabdikariin Xaaji Muxumed Mombasa- Kenya

10kii Batroolka Muqtaar Cuti waxa uu helay 8 cod ma jirin Cod ka halaabay

Maxamed Xaaji Uureey Waxaa u codeeyay

  1. Cabdirashiid Sheekh Biixi Sweden
  2. Anwar Cabdi Maxamed K.Afrika
  3. Cabdulaahi Maxamed Cabdi Holland
  4. Deeq Maxamed Axmed K.Afrika
  5. Saalax Yuusuf Ismaaciil Muqdisho
  6. Caasho Xuseen Cabdulaahi Kanada
  7. Cabdiwali Axmed Maxamed Muqdisho
  8. Kamaal Yuusuf Sheekh Afgooye
  9. Cali Cabdi Xasan Kenya
  10. Muqtaar Siciid Maxamed Kenya

10kii LLPP Maxamed Xaaji UUreey waxa uu helay 10 cod Waxaa ka halaabay 1 cod

Muriidi Abanuur Abati waxaa u codeeyay.

  1. Busuri Maxamed Xaaji KSA
  2. Yuusuf Cabdi Maxamed Muqdisho
  3. Hilowle Axmed Macalin Kenya
  4. Daahir Xuseen Axmed Yaman
  5. Faarax Sheekh Yuusuf Ugandha
  6. Sahro Ciise Cali Sweden
  7. Shariif Maxamed Xuseen Uk
  8. Maxamed Maxamuud Axmed Uk
  9. Ismaaciil Cali Yuusuf Boosaaso
  10. Axmed Cabdulaahi Khaliif Jabuuti
  11. Sakariye Aadan Ismaaciil Kenya
  12. Qaalid Cabdulaahi Xasan Norwey
  13. Saciid Cali Maxamuud Muqdisho

10kii Madbacada ( MBC) Muriidi Abanuur Abati waxa uu helay 13 Cod waxaa ka halaabay 1 cod

Muriidi Abanuur Abati oo U ciyaari jiray Naadigii Madbacada, Bangiyada iyo Ceymiska ( MBC) ayaa ku guuleystay 22 sano ka dib Codeyntii loo qaaday Weeraryahankii Ugu Wanaagsanaa kubada Cagta Soomaaliya waxaana leenahay hambalyo Muriidi Abanuur Abati ka dib markii uu helay 13 cod, Codeyntaan oo aheyd mid Qarsoodi ah loona Codeynayay weerayahankii ugu Wanaagsanaa Soomaaliya,

Kaalinta 2 waxaa Galay Maxamed Xaaji Uureey oo u ciyaari jiray Naadigii LLPP, oo helay 10 cod, Kaalinta 3 waxaa Galay Muqtaar Maxamed Axmed’ Muqtaar Cuti oo u ciyaari jiray Batroolka,oo helay 8 cod Halka Kaalinta 4 uu Galay Maxamed Ismaaciil Siteey oo u ciyaari Jiray Horseed oo helay 6 cod.

Wareega sami finalka waxaa ku Haray Musharxiinta kala ahaa

  1. Saciid Ducaale oo u ciyaari jiray Horseed
  2. Cabdulaahi Maxamuud Sarxaan’Eenoow’oo u ciyaari jiray MBC
  3. Cabdi Cismaan Nuur’ Budiiste’ oo u ciyaari jiray Batroolka
  4. Khaliif Shire Muuse’ Riiko’ oo u ciyaari jiray Badda
  5. Xasan Cafiif oo u ciyaari jiray Horseed
  6. Axmed Nuur shiino oo u ciyaari iray Wagad
  7. Axmed Cabaas Busuri oo u ciyaari Jiray Muqdisho’ ex D.Hoose’
  8. Nuur Gaab oo u ciyaari jiray Muqdisho ‘ex D.Hoose’

12kaasi Ciyaartooy ayaa ka soo baxay Waregii Ugu Horeeyay ee ay ka wada qeybgaleen Weeraryahanadii ugu Wanaagsanaa Kubada Cagta Soomaaliya,waxaana Xusid mudan in Codeyntaan aysan ku jirin Weeraryahanadii caanka ahaa ee Geeryooday sida markaan Tusaale u soo qaato Maxamed Xuseen Cali’Sheekhaaloow’ Cabdulaahi Cabdi Xasan ‘Dheemanka Madoow ‘waxaana aqristaaysha la socodsiineynaa in Codeynta loo qabtay oo kaliya inta Nool Weeraryahanadii ugu wanaagsanaa Kubada Cagta Soomaaliya.

Waxaa Diyaariyay.

Axmed Maxamed Cabdulle’Uurdoox’
Uurdoox2011@hotmail.com

_________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on October 25, 2012. Filed under Ciyaaraha, Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.