Dowladda Uganda ayaa si caro leh uga jawaabtay hadal ka soo yeeray Qaramada Midoobey, kaasoo ah inay hurineyso dagaalada sokeeye ee ka socda Jamhuuriyada Dimoqraadiga Congo, iyadoo dib u eegis ku sameyneyso howlaha nabad ilaalinta ay ka wado Qaarada Afrika.
Warbixin ka soo baxday Koox Khubaro ah oo ka socota Qaramada Midoobey ayay ku eedeysay Uganda inay taageerto Falaagada M23-, oo dagaal kula jirta Jamhuuriyada Dimoqraadiga Congo.
Uganda ayaa kaalin weyn ku leh howlaha nabad ilaalinta Qaarada Afrika, gaar ahaan howl galka 17-ka kun Askari ee Midowga Afrika ka jooga Soomaaliya.
Wasiiru dowlaha Arrimaha dibada Uganda Asuman Kiyingi ayaa sheegay inay dib u eegayaan howlaha nabad ilaalinta ay ka wadaan dalalka harooyinka waa weyn, Bartamaha Afrika iyo howl galka nabad ilaalinta AMISOM ee Soomaaliya.
Mr Kiyingi ayaa sheegay in hadii aan lagala noqon eedeynta loo soo jeedinayo ay qaadan doonto go’aan cad, iyadoo wax laga xumaado ku tilmaamay in eedeynta noocaas ah inay dhabar jebin ku tahay howl galka naf-hurnimada ah ay ka wadaan dalalka qaar.
Madaxweynaha Congo Joseph Kabila ayaa sheegay in Uganda ay kala cadeyso doorkeeda Bariga Congo howl galka ay ka wado, kadib markii Qaramada Midoobey ay ku eedeysay inay taageerto Jabhada M23.
Uganda ayaa ah dalka ugu badan ee Ciidamada nabad ilaalinta ka jooga Soomaaliya, iyadoo howl galka AMISOM uu xilligan yahay mid ku baahay gobolada dalka, kadib dagaalo looga awood roonaaday Kooxda Islaamiyiinta Al-Shabaab.
.
.
Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya
___________________________________________________
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login