Waqooyigu amba Somaliland ma qaan-gaadhay?

OPINION / FIKRAD | Lixdankii markii Koonfur la aadaayay Waqooyigu wuxuu la yimid siyaasad aan sal dheerayn oo ahayd mid Beesha dhexe kalideed maroorsatay tiradii barlamaankii lala tagay Muqdisho. Cadaalad daradii Hargaysa ku samaysay qabiilooyinkii kale, beesha dhexe kamay macaashin oo waatii Nibiringii Koonfurtu sida kaluunyar u liqay dhamaan Waqooyi iyo tiradii aan xalaasha ahayn ee ay Muqdisho la tageen.

Maanta nus qarni iyo dheeraad baa ka soo wereegay wakhtigaas. Waxaa isweydiin mudan, siyaasad ahaan, Waqooyigu ama Somaliland ma qaan-gaadhey? Waa su’aansha uu maqaalkani falanqaynayo.

Ka dib burburkii xukunkii Syad Barre, Somalia waxay gashay halaagii ugu xumaa ee taariikhdeeda. Dalkii iyo dadkii karaamadoodii ayaa noqotay mid dhulka lala simay. Koox walba edeg yar ayay oodatay. Dadka reer Waqooyigu waxay iskugu soo noqdeen dhulkoodii oo maleeshiyadii SNM gacanta u galay. Siyaasadii oo la maaraynkari waayay awgeed, Konnfur waxaa u bilaabmay safar dheer oo dhiig gacmaha lala galay mid sokeeye, mid shisheeye oo intuba sharaxaad ka dhigtay silicii iyo barakac ku habsaday shacbiga gaar ahaan intii danyarta ahayd.

Waqooyigu oo edega Somaliland ku soo ururay wuxuu qaab aan horey looga wada tashan ku  dhawaaqeen goosasho laga baxayo midowgii, go’aankaas oo aan ahayn mid aan horey laysku waydiin wuxuu ahaa mid ay keentay caadifad lagaga jawaabayo xukumadaii Koonfur lagaga dhawaaqay ee Cali Mahdi, sida laga hayo hadal u jeediyay Siiraanyo oo ahaan jirey ninkii wakhtigii ugu dheeraa soo hogaamiyay jabhadii SNM.

Kacaakuf iyo hirdi qabyaaladaysan oo isku dhacyo badan keenay ka dib waxaa magaalada Boorama ku qabsoomay shir ajandihiisu dhowr jeer la marin habaabiyay oo ugu dambaytiin dhalay maamul-dowladeed Marxuun Cigaal madaxweyne ka noqday, 1993-kii. Maamulkaasi aas-aas ahaan ma xambaarsanay Fikir-xeeraad (idea of Law)[i] oo sal u ah aas-aaska dawladnimo.

Madaxnimada Cigaal waxay suurto galisay in Waqooyiga ay ka hanno qaado degganaasho xaddidan oo sharafteeda ay lahaayeen dadweynaha oo u hanweynaa nabad. Cigaal-na wuxuu noqday siyaasi rug cadaaya oo khibrad u lahaa isku hayta qabiilooyinka. Intii u joogay wuxuu ku guulaystay inuu xagjirnimadii SNM xakameeyo mudnaantana siiyo qadarin, habba dabacsanaantee, qabiilooyinka wada degga waqooyiga. Dhinaca siyaasada cidna kama qarsoonay in Cigaal gogosha u xaadhaayay sidii midnimadii Somalia loo soo celin lahaa balse waxaa daba dheeraatay xal la’aanta Koonfur.

Ka dib dhimashadii Cigaal, xukunka waxaa qabsaday koox aan han siyaasadeed oo cad lahayn in dadka la maaweeliyo mooyee. Waxaana bilaabmay in qaab-dhismeedkii Cigaal ka tagay maalinba maalinta ka dambaysa la burburiyo maamulkiina gacanta loo galiyo reer qudha oo ilaa maanta kalidood gacanta ku haya talada hadday noqoto, siyaasad dhaqaale iyo milatariba.

Nidaamkaas xalaasha ahayn ma noqon mid uu saxo maamulka Siiraanyo oo xukunka qabsaday 2010-kii. Cadaalad daradii dadka intooda badan arkayeen taniyo 1993-kii waxaa iyaguna gadaal ka ogaaday intii shaadhka Rayaale ka indhotiray xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta Somaliland. Waxyaalaha ugu weyn ee Somaliland ku faanto waxaa ka mid ah in ay doorashooyin ka qabsoomeen, laakiin waxay ag marsan yihiin in doorashooyin la qabtaa la micno ahayn cadaalad amba dimuqaraadiyad.

Digaa hoos ka nool

Qaangaadhnimo ha joogtee, waxaa la odhan karaa waa la sii saqiiray oo halka adduun waynuhu ama inta caafimaadka qabtaa hiigsanayso horumar isasoo tara, Somalailand maalinba maalinta ka dambaysa ayaad moodaa inay dib u guranayso. Maalinba maalinta ka dambaysa ayay isa soo tarayaan ficilo halkay cadaalad darada ka dawayn lahaayeen sii talaxtagaaya oo badheedh ah kuwaas oo salka ku haya cadaald xumo iyo xasarad dheeraad ah oo sii kala fogaynaaya dadka isku deggaanka ah. Ibtilooyinkaa xasarada ah marka nuxurkooda loo fiirsado waxaa kuu soo baxaaya beeshe dhexe oo aad moodo inay ku nooshahay riyo-nifaaq iyo jawi qab ka muuqdo, qabkaas oo ka indho tiraaya inay waajahaan runta qof walba u danta ah.

Somaliland maamulka la baxay ama Waqooyi beel maaha balse wuxuu maanta sharaf ku leeyahay waa xasiloonaanta iyo dulqaadka gabaabsiga ah ee Galbeedka oon weli ka dibaaqin cadaalad-darooyinka lagu darsaday badheedhaha. Dad baa yidhaa Beesha dhexe wali may garan Somaliland cidda ay maamul-dawladeed ku tahay, sidaa awadeed waxay sugayaan maalintay beesha dhexe garan doonto taas ee ay garaad yeelan doonto.

Aniguse, taas ma aaminsani sobobahan soo socda awgood:

1) Beesha dhexe si fiican ayay u yaqaanaan una ogsoonyihiin dadka ayna la’aantood Somaliland jiri Karin. Laakiin Beesha dhexe ujeedada ay Somaliland ay ka leedahay ayaan ahayn tan dadku moodayaan oo ah inay dowlad noqoto. Beesha Dhexe, laga soo bilaabo Cigaal ma damacsana in Somaliland noqoto dawlad ka madax banaan Somalia. Faqad Somaliland waxaa loo samaystay in Beesha dhexe Koonfur kula gorgotanto. Waliba gorgortankaasi maaha mid Beesha dhexe ku hadli doonto magaca Waqooyi balse waxay ku hadli doontaa magaca beesha dhexe. Sidaa awadeed Maamulka Hargaysa waa inuu sii muujiyaa in beesha dhexe awooda waqooyiga kalideed hogaamiso. Waa tan keentay in awoodii maamulka boqolkiiba 85% gacanta ugu jiro beesha dhexe dadka kalena qanjidho loo tuuro.

2) Arrintaa iyada ah oon jiritaankeeda dadka qaarkood iga iibsan jirin amba ugu  diidi jiray waxaa ka marag kacay gulufkii maamulka Somailand iyo beesha dhexe ku qaadeen musharaxnimada Axmad Ismaciil Samatar markii u isku soo taagay madaxnimada Somalia. Dhacdadaas oo ahayd mid aan Hargaysa qarsan waxay u dhacday in wefti heer sare ah Hargaysa laga diro si loo xakameeyo 28-ka xildhibaan ee Beesha dhexe kaga jira Barlamaanka Somalia, amarna lagu siiyo inay codkooda kula dagaalamaan Prof. Samatar. Gulufkaas colaadeed waxaa ka mid ahaa olele ka dhan ah Prof. Samatar, waxaana la qaybiyay lacago badan sidii iska daa xildhibaanada reer waqooyigee loo  iibsan lahaa xildhibaanada ka soo jeeda Dir-ka koonfureed si loola dagaalamo Prof. Samatar.

3) Ujeedada Pro. Samatar Beesha dhexe ula dagaalamaysay waa mid qudha: Musharaxnimada Samatar waxay khatar ku ahayd ama meesha ka saaraysay qorshaha beesha dhexe ee ah in aayaha Waqooyiga cid kale oon iyaga ahayn lagala tashan. Haddii Samatar madax ka noqon lahaa Muqdisho waxaa sida baraxfka u milmi lahaa qorshaha beesha dhexe rabto inay ku mijo xaabiso doonka qabiilooyinka kale ee Waqooyiga degga, sidii lixdankiiba ay xaqooqa ugu tacadiyeen.

Nasiib daro, Beesha Dhexe waxaa cad inay weli ku taagan yihiin khaladkii ay galeen lixdan-kii ee Waqooyi dhamaantii ku liicay siyaasad ahaan. Siyaasada beelaysan ee yoolka u noqotay Beesha dhexe waa mid lagu saaqiday lixdankii maantana ah mid madhalays ah. Haddii ay dhab ka tahay aayaha waqooyiga oo Koonfur laga raadiyo, prof. Samatar cid kaga haboonayd ma jirin. Xaqa Waqooyi leeyahay ee Beesha Dhexe lumisay lixdankii ninka dib u soo celin lahaa ee weliba sharci adag xayndaab uga dhigi lahaa wuxuu ahaa Prof. Samatar oo ay iyagu u arkaan cadow.

Amuurahaa markaad isha ku godo ee si fiican loo axadho waxaa kuu soo baxaysa in digo hoos ka nooshahay Somaliland. Xumaanta iyo xasaradaha isdaba yaal ee ka soo yeedhayaa beesha dhexe waa dhacdooyin jawaabtooda cidna ka qarsoonayn.

Su’aasha ah Waqooyi ma qaan gaadhay, jawaabteedu waa maya waxaana kuu cadaynaaya sawirka dhabta ee maanta yaala iyo sida cusurinimada lahayd ee qaab beelaysan dhabarka looga toogtay prof. Samatar. Waa astaamaha muujinaaya inaan Waqooyigu weli u bislayn nidaamkii waqooyi ahaan wax lagu noqon kari lahaa. Waagii baryaba waxaad maqlaysaa dhacdooyin qalafsan oo guracan isla markaana dhiirigalinaaya kala fogaansho lafteedu keeni karta in Waqooyigu dhab ahaan saddex maamul goboleed noqdo mustaqbalka dhow.

Siday doonto iyaga ha ka noqotee,amba ha u macnaystaane, waxaa soo dhow maalintii Hargaysa la weydiin lahaa su’aal aan horey loo waydiin: Diyaar ma u tihiin Somaliland in ay noqoto maqaam loo siman yahay, yes or no?

Jawaabta su’aashaas laga celiyo ayay ku xidhan tahay cimriga Somaliland.

J. Osman/ Wadhaf News /Canada


[i] Somaliland : The poor idea :http://www.somalitalk.com/2004/oct/2oct404.html

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on October 25, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login