Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa dadku si isku mid ah ugu ciideen maanta iyadoo dadku aay mushaaxayeen wadooyinka isuguna hanbalyeeynayeen ciida , sidoo kale waxaa ay dadka aroortii hore ee saaka u dareereen Masaajidada, oo ay ku oogeen Salaada Ciida.
Wadooyinka ayaa lagu arkayay caruur labisan oo ku ciyaaraya Bastooladaha iyo alaabaha kale, waxaana caruurta wajiyadooda laga dheehan karay farxad ciida oo sanadkaan ah mid ka duwan ciidihii horay loo arki jiray.
Ammaanka magaalada ayaa ahaa mid aad loo adkeeyay, qaar ka mid ah Masaajidada waxaa ku sugnaa ciidamada booliska dowladda iyo AMISOM oo dadka baarayay.
Masjidka Isbaheysiga oo ka mid ah Masaajidda ugu waaweyn Muqdisho ayaa waxaa buuxdhaafiyay dadweeyne aad u farabadan, kuwaas oo qaar ka mid ah ay ku tukanayeen Bannaanka Masjidka, iyadoo ammaanka ay sugayeen ciidamada nabadgelyada dowladda.
Madaxda ugu sarreeysa dalka ayaa waxa ay kumannaan dadweyne ah salaadda ciidda kula dukadeen Masjidka Isbaheysiga Islaamka, waxaana madaxdaasi ka mid ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Muudane Xasan Sheekh Maxamuud, guddoomiyaha Baarlamanka, iyo R/wasaaraha dalka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Salaaddii ciida kadib Masjidka Isbaheysiga kula hadlay dad Kummanaan Muslimiin ah ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Adxa, isagoo kula dardaarmay ummadda in ay Alle dambi dhaaf weydiistaan, isla markaana ay u kaalmeeyaan dadka danyarta ah si ay farxadda ula wadaagaan ummadda inteeda kale.
Ciidan waxay aad uga duwaneyd Ciidii Carafo ee sanadkii hore, waxaa ciidii hore magaalada ay aheyd mid xoolo badan dadka loogu qalay xeryaha qaxootiga, waxaana la xusuustaa abaarihii iyo macluushii ka jiray Koofurta Soomaaliya oo hey’ado fara badan oo soo gurmaday ay xoolo badan u gowraceen dadka, sidoo kale saakay yinana waxaa jiray xoolo lagu qalaayey dhamaan xaafadaha magalaada iyadoo aay ka faaiideesteen dad aad u fara badan.
Ciidaan ayaa wx badan ka duwan ciidihii hore majiran wadooyin xiran mana jirto xuriyad daro aay qabaan dadku qof waliba waxoow ku ciidi karaa waxii uu doono iyadoo ciidii hore la xasuusto in dhamaan gabdhaha aay ku ciideen goono iyo jalbaab adag taas oo ahed amar ka yimid xarakadii alshaab ee ka talisneysay dalka , sidoon kale majirin meel gaar ah oo dadka lagu amaray ineey isugu yimaadaan si aay ugu dukadaan waxaa furnaa dhamaan masaajida magaalada oo aay ku dukadeen dadku , sidoo kale dadka magaalada ayaa sanadkaan kuwada ciiday magaalada iaydoo saanadihii hore aay kala maqnaayeen haba ugy badnaado dadkii ugu badanaa ee degnaa goobahii loo barakacay
Gobollada kala duwan ee dalkeenna ayaa iyana maanta si farxad leh ummaddu ugu damaashaadaayaan munaasabadda Ciidul Adxa awgeed., iyadoo aay san jirin wax dhibaato
Meelaha sanadkan sida xorriyada leh looga ciidayo waxaa ka mid ah magaalada Marka Caddeey, oo dhawaan laga lagala wareegay Al Shabaab halkaas oo aheyd meelaha ugu awooda badan ee Alshaab gacanta ku hayeen , iyadoo ciido soonfur ee lasoo dhaafay kula dukadeen dad aad u tiro badan balse tan weeyka dugneed oo waxaa ku dushinayey madax ka socoto dowlada Soomaaliya , waxaana saaka magaaladaasi laga dareemayaa sida weyn oo loogu damaashaadayo munaasabadda Ciidda .
Sidoo kale magaalooyinka, sida weyn looga ciidayo waxaa ka mid ah magaalada Kismaayo, Wanlaweyn, Afgooye, Balcad, Beledweyn iyo meelo kale, kuwaas oo dhawaan lagala wareegay Al shabaab, waxaana xusid mudan in saaka munaasabadda Ciidda awgeed ay ummaddaasi ugu damaashaadaadayaan si xorriyad leh, iyagoo isbooqanaya, cartuurtuna ugu wada ciyaarayaan si farxad leh oo aan cabsi laheynna isaga mushaaxaya magaalooyinkaasi.
Dhanka kale magaalooyinka Baraawe, Bu’aale, Baardheere, Jowhar, Ceelbuur Buulo Burde, Saakow, Jamaame, Tiyeeglow, Khoryoole iyo kuwo kale oo Al-Shabaab ka taliyaan ayaa salaadaha waxay dadka ku dukadeen goobo fagaarayaal ah oo ay kula hadleen Saraakiil ka tirsan Alshabaab.
by: Abdisalam Hussein Omar”joker”
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login