Maanta waxay ku beegantahay Maalinta Koobaad ee Munaasabadda Ciidda loo yaqaan Ciidul Adxaha oo ah Ciidda labaad ee ay Umadaha Muslimka ahi u dabaal-dagaan marka la gaaro.
Ciiddan waxay gaar la tahay Udxiyada oo ah Munaasabado ay dadku siyaabo gooni gooni ah iyo si guud ahaaneedba u biraynayaan Xoolo si ay Hilibka Xoolahaas u siiyaan dadka baahan ama ay iyaguba u cunaan.
Waxaa kale oo Ciiddan la socda Acamaasha Xajka oo Muslimiinta ku sugan Dhulka Barakaysan ee Sacuudigu ay maanta iyo maalmihii ka horeeyay iyo maalmaha soo socdaba ku howlanyihiin.
Shalay ayeey Muslimiintu joogsadeen Goob-joogsiga Carafo oo ka mida meelaha Xajka lagu guto. Waqtigii loo tala galay markii ay dhamaysteenna waxay ugagasii gudbeen goobaha kale ee iyagana muhiimka u ah Camalkaas.
Marka aan gudaha Somalia iyo Muqdisho usoo laabanana, Ciidda ayaa maanta kasoo toosisay Caruur, Hooyooyin, Dad waa wayn iyo mas’uuliyiinba. Si wada jir ah ayeeyna ugusoo ban-bexeen iyagoo ku labisan Dhar cusub wajiyadoodana farxad laga dheehanayo.
Bahda Qaranimo Online ee Muqdisho ayaa iyagoo ka mid ah dadkaas u dabaal-dagaya Ciidda, waxay hadana u dhaqaaqeen inay kasoo xog-waramaan xaaladdu sida ay tahay, soona gudbiyaan muuqaalka dadka, hadaladooda, dareenka ay bixinayaan iyo sida ay u arkayaan maalintanba.
Waxaan Salaadda la tukanay boqolaal dad ah oo mid ka mida Masaajidda Muqisho isugu yimid si ay u oogaan Salaadda Ciidda. Dadkaas kaliyana ma aysan ahayn kuwa Salaadda tukanayay ee guud ahaan Masaajidda iyo goobaha kale ee Fagaarooyinka ahba dadku waa ay ku tukanayeen.
Masaajidka Isbahaysiga Islaamka ayaa waxaa lagu tukaday Salaadda Ciidda, halkaas oo Mas’uuliyiinta ugu sareysa dowladda, xubnaha kale ee dowladda, Siyaasiyiin, Ganacsato, Shaqsiyaad kaloo caan ka ah bulshada, iyo dadkuba ay isugu yimaadeen.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Ra’isul wasaaraha iyo madaxda kale ee dalka ayaa Salaadda ku oogay halkaas. Markii Salaadda laga baxayna waxay marxabeeyeen madaxdu dadkii halkaa yimid oo ay hambaliyada Ciidda u gudbiyeen.
Madaxweynaha, ra’isul wasaaraha iyo gudoomiyaha Baarlmankuna waxay si gooni gooni ah Xalay ugasoo muuqdeen Telefishinka afka dowladda ku hadla iyagoo hambaliyo u diraya dadka Muslimka ah ee ay maalintan u galayso iyo gaar ahaan Soomaalida.
Iskusoo wada duube Jawi farxad leh ayaa ka muuqda Wadooyinka magaalada iyo Xaafaduhba, waxayna dadku wali ku mashquulsanyihiin booqashada ay is dhaafsanayaan iyo damaashaadka kale.
Muqdisho waxay Sanado ka hor ku jirtay xaalado dagaal oo sababay inay magaaladu kala go’do dadkuna intooda badan ka qaxaan.
Waqtigaas waxaa adkeyd in Munaasabadaha Ciiddu ay dadku si farxad badan leh Wadooyinka ugu socdaan isuna booqdaan, waayo qaybaha Magaalada waxay u kala xirnayd Awoodihii hubaysnaa ee iskasoo horjeeday oo joogto u dagaalami jiray.
Sanadkii hore ayeey Xoogagga Alshabab Al-Mujaahidiin isaga bexeen magaalada, markaa ka dibna dadkii barakacay ayaa dib guryahooda ugusoo laabtay. Ciiddii hore ee Adxahana waxay ahayd tii ugu horeysay ee ay dadka Muqdisho Xaafadaha magaalada si guud ugu socdaalaan iyadoo aanay dagaalo iyo kala xayirnaan jirin.
Sanad ka dibna magaalada waxay dadka ku nool iyo kuwa yimidba qiimeyntooda ku sheegayaan inuu jiro isbedel wayn oo dhanka Dhismaha, Ganacsiga iyo amnigana kusoo kordhay. Waxayna dadku leeyihiin nabadgaliyadu way soo hagaagagaysaa, guryo badan oo cusubna waa laga dhisayaa magaalada.
Dad badan oo aan maanta ka waraysanay Ciidda iyo aragtidooda magaaladana waxay rajeeyeen inay xaaladu sida ay iminka tahay iyo kasii wanaagsan noqoto, iyagoo sidoo kale rajo ka muujiyay in Ciidaha soo socdana ay kusoo beegmaan waqtiyo ku haboon in loo damaashado.
,
.
Mohamed Abdullahi Dhaaley | Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Mogadishu- Somalia
_________________________________
![]() |
Socialize