W/Q Ifraax Yusuf ( Ifka) | Qoraa walba Qarnigiisa, Qalin walba Qisadiisa, ee aqriste Qaracanka Qarankaaga wiilkiisa Qorsheeyay ma diidantahay in aad Qiratid?
Ma xaqaa in aan qaadi waayo qadarta ii qorneed? Ma waxaa qof loola noolaadaa intuu waxkasta kula qaybsan karo oo uusan kuu baahneen? Maya! Maya! Ninkayga maantay waa bukaan, bukaan si xun u dhawaacmay, balse Qadarta Rabi ayaa sidaa ah anna in aan is dhiibo, ama inuu iga tago ma ogolaan karo. WAXAAD MOODAA IN DADKA LA WADA YIRI KU WAANIYA IN AY NINKAAN DISHO SI AY UGU NOOLAATO NOLOL LEH FARXAD? NOLOSHA FARXADEEDA MA IN LA GUURSADAA QOF GUURKA SHARCIYADIISA KA SOO BIXI KARA , SI LOO WADAAGO NOLOL SARIIR KADIBNA ILMO LA DHALO IWM? HORTA ILMO MAXAAN U DHALAA? SOO AYAGA LA LAAYAY KUWII CALOOSHAYDA KU JIRAY 27 BILOOD EE I DHAAFTAY OO MADFACA LAGU KALA JARJARAY? YAAH MA DABAAL DHAR LOO GELSHAY AYEEY II MOODAAN DADKAAN? ALA DULMI BADNAA, XAQIRANAA!.
Waxaan eedaa naftayda, waxaan aaminsanahay in aan dulmi ku taagnaa markaan diidanaa in aan iskaga tago magaaladii Muqdisho la lahaa, laakiin qofkii tiisa dhamaato ma laga yaabo inuu ku badbaado nabadkasta. Hadii uu jiro qof dhiig ooyay inta ilintii ka dhamaatay jirkiisa waa aniga! Xaqdarada aan arkay ma jiro qof arkay, dhiiga korkayga ku daatay, jirka bini aadanka ee aad moodid in sida hilib la odkacaa oo kale madfac u kala jarjaray walina ah mid aniga iga soo go,ay. Dulmiga lagu laayay ilmahayga oo gurigooda iska joogo, wax ay ka galabsadeen aysan jirin in madfac lagu laayo maxaa keenay? Cadawgaan leeynaa caruur iyo ciroole sida in la yiri soomali wadankaa ku yaraan rabee ha la kala yareeyo intee ku danbeyn doontaa? Ma sidaan ayaa sii socon doonto? Ma qadar Rabi ayaan masabidan karnaa? Waxaanse la yaabaa ragga waa weeyn, gararka leh ee meel walba ka leh Soomaaliya darted baan ugu jirnaa dagaalka ee laga dhageeysanaayo? Soomaaliya dhulkeeda, dadkeeda, dhirteedii xataa xayawaanka ku nool ma rabaan dagaal, Nabad ayeey rabaan ee ragoow aaway garashadiinii Alaha idin hanuuniyee? Hada dhibkaan markuu dhacaayay sanado ayaa ka soo wareegatay, welina waxaan ahay sida qof waalan, in aan noolahay waan ogahay, oo aan weli socdo, shaqo weeyn iyo masuuliyad aan isku haayo. Laakiin weli xasuustayda xanuunkii hore kama tirtirmin, mana u muuqdo inuu ka tirtirmo doono xataa. Markaan arko Cunug ku da’a ah cunug ka mid ah ilmahaygii waxaan isku sasabaa in ugu yaraan ay jiraan hooyooyin faraxsan oo Illaah u nabadyeelay ilmahooda.
Sanadki 2009 bishii lixaad, laba iyo tobankeedii maalinkii jimcaha aheeyd, waxeey noo aheeyd maalin weeyn oo noo dhalatay, oo Bile sariirtii bukaanka kasoo kacay, waxay ila noqotay wax lama filaan ah in aan arko Bile oo soconaayo mar labaad, labisan, qoslaayo, alxamdulilaah. Sariirtii baas kor jiifin, oo bustayaal iyo go’yaal iiga duuduubneeyn, dad maryo cad kor dhoobnayn,kaniiniyaal, faleenbooyin iyo cirbado aan lagu wadin, wax weeyn ayeey aheeyd, waxeey aheeyd habeenkii koowaad oo aan marlabaad hal sariir ku wada seexanay. Ma hilmaami karo markii koowaad oo awooday inuu rabitaankiisa iigu tuso in ahay gacalisadiisii mar kale, oo inta i soo qabtay isku kay duubay, oo i shushumiyay, waxaa qabatay inuu biraha iska tuuro, oo ii xinbaaro sida caadada u aheeyd. Masa ku dhicin, oo waa iska celshay, una sheegay in caafimaadkiisa muhiim,yahay anigana aan meel ugu soconin. Maalinba maalinka ka danbeeysay waa sii adkaanaayay, Bilihii aan aqaanay ayuu ku soo laabanaayay, waxaana loo qabtay tababare Bakistaane ah oo Liibaan iyo asiga dalbadeen, maadaama uu dad badan oo xubno jirkooda ka mid ah nidaamka ka baxeen dib ugu soo celshay, sababta madax adeegiisa waa sida dhaqaatiirtu ku eedeeynaaye iyo qofka oo uusan u ogolaanin inuu nasto oo seexdo intuu ku jiro jimicsiga.
Asbuucyo yar kadibna Bile waxuu bilaabay tabar jimicsiga jirka ah si uu u soo cishto awoodiisa jireed, oo ugu baahnaanin biraha lagu socdo. Weli ma aanan qanacsaneen xiligaan, oo kaligiis ma socon karin, laakiin guul weeyn oo Illaah looga mahdiyo ayeey aheeyd, Bile oo hadlaayo oo isdhaqaajin karo, alxamdulilaah. Waxaana bilaawnay in aan magaalada aadno, asigoo isku caawinaayo birahiisa. Waxkasta nooc kale ayeey la noqdeen, aad ayuu ula yaabay isbedelka weeyne eek u dhacay London afartii sanno oo aan ka maqnaa. Meelkasta dad, hindi,Bakistan, Somali tiro badnaa, intee aadeen dadkii cadcadaa ee cunsuriyiinta ahaa? Yaah! Waxaan oo ajnabi ah intee laga soo inkaaray oo London laigu soo gurbiyay? Aad buu u yaabay, waa run oo anba ma rumeysan karin, sadax sanno kaliya in waxaan dhan ku dhaceen. Suuqii Bakaaraha oo waxkasta isdhex daadsanaayeen ayaad moodaa suuqayada London xiligaan, waxaana aad ugu badatay nabadgelyo la’aanta, argagixiso yo wax baas ayaa uun laga cabsanaa, nabadi aan tobanka sano ku daganayn waa dhicisowday, waalidiinta dhalay dhalinyarta siiba wiilasha ah wadnaha ayeey farta ku hayaan, oo daroogooyin iyo dagaal joogta ah ayeey saaxiib la noqdeen dhalinyaro reer London ee asal ahaan muslimiinta ah, waxeeyna uun ka roonyihiin weli dhalinyarta musliminta iyo diimaha kale wata ee Paris, kuwaas oo xiligaan xaaladooda meel xun mareeyso, inkastoo dowlada Farakiiska ku guuleeystay in ay ka qariso calaamka qasaarada weeyn eek a timid arintii mamnuuca calaamadaha diiniga ah oo dhan sida xijaabka dumarka muslimiina ku labistaan.
Iftiin cusub ayaa ii soo baxay, farxad iyo orod aan anigaba awoodin ayaan galay. Awood iyo adadeeyg cusub ayaa la igu abuuray si aan ugu qayb qaato jimicsigisa, oo aan subaxii hurdada ugu qalqalinin, meesha qorshahiisa yahay inuu socdo sadax kilo meter subaxkasta. Liibaan wuxuu helay kalsoonida Bile ee buuxda, waxeeyna wada mareen baaritaano badan, oo lagu muujinaayay isla dhalashadooda, madaama hooyo uun u dhaxeeyso. Liibaan waxuu go,aansaday inuu aado Soomaaliya, oo shirkadihii Bile oo xiligaan walaalkay Jabriil kaligiis ku wareersanaa oo caawiyo, siina dhiso, oo maalgelin cusub ku sameeyo, sidaasna ay ganacsi ahaan u noqdaan hal, oo waxkasta isku darsadaan. Arintaan aad baan ugu farxay, waxyar kadibna waxuu ku soo laabtay London, asigoo iigu yimid in aan ku caawiyo in guursado Muxubo, su,aalo badan iyo karis badan oo dhinacayga ka yimid, madaama aan ogaa waxyaabo badan oo Muxubo iyo Bilaba uusan u sheegin, waxaan go,aansanay inuu ka shaqeeyo sida looga bixin lahaa liiska uu ku jiro, isla markaasna uusan u laaban doonin taariiqyadi waalnaa oo noloshiisa ku indha qaaday, kana toobad keeno waxkasta. Waxaana ka codsaday inuu u sheego runta Bile iyo Muxubo, hadii ay u didaana aqbalo, hadii ay ku yeelaane ay tahay sida uu rabay. Waana qaybsanay shaqada oo Bile aniga ayaa u sheegay wixii uu soo maray walaalkiisa ka weeyn iyo xaalada uu hada ku jiro sababta uu u galay, in ay tahay u ekaashada uu u egyahay walaalkiis Liibaan, aad buu ugu xumaaday, waasa aqbalay, oo inta casuumay u sheegay in waxkasta ay dhacayba uu yahay walaalkiis, oo aysan ku kala go,i Karin. Muxubo waqti badan ayeey ku qaatay in ay aqbasho xaqiiqada ninka ay jeclaatay, iyo weliba in ay u danbi dhaafto, madaama uu ka qariyay xaqiiqo sidaas u qaraar, kama danbeeys waa cafisay, oo go,aansatay in ay horay ugu socoto, oo wixii hore yihiin wixi hore, nolosha ay ku qaatana ay tahay tan maantay iyo wixii ka danbeeyo jiri doono.
Waxaan islahaa goormee soo dhacaa maalinkasta? Ninka tababaraha ahna waa u sheegay oo ku iri: “ Waa ogtahay in aan gacmaha dhaqaatiirta Illaah iiga soo badbadshay, ee hadii aad Illaah taqaanid wax aad ogtahay oo wadnahiisa ama jirkiisa xamili karin ha iskugu dirin…..waqtiga ay rabto ha ku qaadato inuu ku laabto sidii hore…. haduu dhinto adaa dilay!” Wuxuuna igu yiri: “ Ma ogtahay sababta la iigu keeno oo aan u doorto aniga dadka sida ninkaaga oo kale looga sabray in ay noolan doonaan? Anigaa kuu sheegaayo, maxaayeelay waa mucjiso Illaah soo dirsaday ninkaaga, in ay noolasha u noqdaan tusaale mucjisooyinkiisa loo soo badbadshay waaye, marka lixdii bilood oo sariirta yaalay hadii uusan dhimanin, hada ma dhimanaayo ee is deji..!”Waana iga tagay, asigoo u eg inuu i fahmay. Bile inuu dib ugu soo laabto sidii uu hore u ahaa waxeey ku qaatay lix bilood oo kale, waxaana wada gaarnay guushii oo dhaqaatiirta u aqoonsadeen qof boqolkiiba boqol dhinac kasta ka caafimaad qabo 2010 bishii agoos 5keedii.
Waxaa soo galaayay bishi barakeeysneed ee Ramadan anagoo weli London joogno, waxuuna feker la’aan igu yiri: “ 6 ama todobo maalmood kadib waa Ramadan, ka waran hadii an ku soo soono ramadaan Makkah macaanto?” Farxad darted ayaan la ilmeeyay, ninkayga oo marlabaad u ah diyaar inuu u noolaado, uu ahaado qof fudfud oo riyoon kara malrabaad, qalbi furan ayaan ku soo dhaweeyay, inta qaatay kombiyuutarkeesii ayuu galay tikid raadis. Waxaan Illaah u dukaday laba rakco oo mahadcelin, oo ugu yaraan ninkayga ii badbadshay, oo maantay sabarkayga igu qasaarin waa ku faraxsanaa. Makkah iyo Maddinah horay laba mar ayaan u tagnay anagoo soo xajineeyno, mar aan kali aheeyn iyo mar afarteena waalid nala socdeen. Waa markii koowaad oo aan ku soo soonay Makkah, kaligeen nahay, kuna soo ciidnay, inkastoo ay tahay ciidii koowaad oo aan dareema maqnaashada caruurteena, madaama tii tan ka horeeysay oo aysan ka qayb qaadanin anagsa aan nooleen oo aan xasuunin in aan soomay sanadkaa iyo inkale, ama in aan ciiday iyo in kale. Waxaana ka soo tagtay 15 sebtember Sacuudiga, oo aan ku soo laabanay London anagoo bal rabna in aan qorsheeyno sida aan ugu laaban laheeyn nolosheenii hore, ee Muqdisho. Waxaan ku jiray qolkeena, oo saariirta dhinac kala fadhiyay kombiyuutarkayga, oo kula sheekeysanaayay asaxaabtaydii hore ee msnka. Ma garanaayo mar uu ku soo laabtay gurigii, waxaan uu arkay asigoo gacmaha indhaha iiga haayo, oo istaajiyay, oo isoo waday asigoo sidii indhaha iiga haayo.
Gacmhiisa ayuu indhaha iiga qaaday, waxaana arkay doolsho weeyn, oo ubax ku sharaxnahay, laguna dhex qoray “ Dhalasho wacan gacaliso!” Ma xasuusto in ay maantay tahay dhalashayda, maxaayeelay sanadkii la so dhaafay qof xusay ma jirin, awalba ilmahayga iyo Bile ayeey ahaayeen waxa igala daba wareegi jiray, waxuuna ii shiday cajalad oo geliyay DVDg, waaba nashiido aan ku riyoonaayay: “ For the Reste of my Life” Waaaaw! Heestaan waa hees aad u leh micno qurux badan, oo nin jecel xaskiisa, uguna mahadcelinaayo in Illah ayada baray, oo xaaskiisaka dhigay ayeey ka turjumee. Mehar Zain waxaan ka mid noqday taageerayaashiisa inta ninkayga xanuunsanaa, oo nashiidooyinkiisa waa kuwa aad ii sabar siinaayay, qaas ahaan heestiisa “ Open your Eyes”. Alxamdulilaah, indhahayga Illaah ayaa furay oo qof oo dhab ah ayaan u ekaaday hada, waa iska dhaafay hees dhageeysi, buuq, isku mashquulin wax aan micno laheeyn, war badan iwm. Nabadgelyo nafsiyadeed ayaan dareemaa, isbedelkana waa iska wada aragnaa, qaas ahaan markii aan ka soo laabanay bil soon iyo salad aheeyd. Waxuuna igu yiri: “ Hanbalyo! Waxaan kuu rajeeyna oo Illaah kaaga barya cibaado suuban, cimri dheer iyo jaceyl aan dhamaad laheeyn in aan isla qaadano inta aan noolnahay gacaliso! Aniga balan waye in aan halkaan joogo waligay macaanto sida aad iigu ag waa baryeeysatay oo aad ii kortaagneed maalin iyo habeenkasta anigoonan xataa ogeen qofta aad ii tahay mararka qaar.
Hadiyadadii sadaxaadna waa tanaa, midii afaraad waa tanaa, midii shanaadna waa tanaa… waa ogtahay in aan diyaar u ahay in aa buuxsho booskooda oo aan kuu sameeyo waxkasta oo aan ogahay in ay jeclaayeen in ay kuu sameeyaan macaanto..!” Waa xanuun badneed, maxaayeelay Bile uma eko inuu aqbalay weli in aysan naga mid aheeyn oo aysan xisaabta ku jirin, madaama asan nooleeyn……………
.
.
Aqriste la soco qaybta 21 ee qisadii qaraarka badneeyd ee ”Ila OOY!!!” .
Wixii dhaliil ama sixitaan luuqadeed ah igu soo hagaaji emailkaan: samsam_1989@hotmail.com.
25/10/2012 W/Q Ifraax Yusuf (Ifka)
_________________________________________________________
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login