Ciidanka dowlada oo u jihestay magaalada Jowhar

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa nabad ilaalinta ee midowga Afrika ee AMISOM ayaa saakay subaxnimadii waxeey u jaheesteen dhanka magaalada Jowhar oo ah magaalada ugu weyn magaalooyinka aay gacanta ku hayaan wali dhaqdhaqaaqa Ashabaab ee dhawaantaan lagala wareegay goobo badan oo aay ka midtahay magaalada caasimada ah ee Muqdisho iyo magaalooyinka kale sida Kismaayo iyo Marka , ciidanka weerarka ku qaaday magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe ayaa ka dhaqaaqay magaalada Balcad.

Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale dhaqdhaqaaqyada iyo diyaar garowga ku wajahan magaalada Jowhar ay ka socdaan magaalada Muqdisho, iyadoo kolonyo gawaarida ciidamada Dowladda oo wada hub iyo saanado milateri u ruqaansaday dhinaca degmada balcad oo ah saldhigga ugu weyn ee ay ciidamada ka duulayaan.

Dadka ku dhaqan degmada Balcad ayaa saaka abaarihii 7-dii subaxnimo ku soo toosay dhaq dhaqaaqyo milateri ay sameynayeen Ciidamada AMISOM, iyadoo xarumaha ay ku lahayeen degmadaas ka soo saaray gaadiid fara badan oo isugu jira kuwa gaashaaman, Taangiyo iyo gawaarida Ciidamada qaada.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in degaanka Qalimow oo 30Km u jira magaalada Jowhar ay ku sii qulqulayaan ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM, kuwaasi oo qorsheynaya inay saacadaha soo socda galaan magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.

Qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada Dowladda ayaa sheegay in weerarka uu yahay mid qorsheysan oo lagu doonayo in meesha looga saaro maamulka ururka Al-Shabaab ee ka arrimiya magaalada Jowhar, waxayna wararku sheegayaan in gudaha magaalada Jowhar ay isaga baxeen inta badan maleeshiyaadka ururka Al-Shabaab.

Dhinaca kale magaalada Jowhar ayaa laga dareemayaa dhaq dhaqaaq aay sameynayaan Alshabaab kaas oo aay sheegayaan ineey uga hortagayaan ciidanka dowlada ee kusoo fool leh , sidoo kale waxeey cabsi soo food saartay dadka degaanka kaddib markii magaaladu ay gashay xiisad dagaal iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan iyagoo ka baqanaya in dushooda lagu dagaalamo, waxaana idiin soo gudbineynaa hadba wixii warar ah ee ku soo kordha.
Magaalada Jowhar ayaa ah magaalada xarunta u ah Gobolka Shabellaha Dhexe, waxaana Muqdisho u jirtaa 90-KM, magaalada ayaa horay u soo maray maamulo kala duwan, iyadoo sanadii 2005-tii marti gelisay dowladdii lagu soo dhisay Mbagathi ee dalka Kenya oo uu Madaxweynaha ka ahaa Marxuum C/llaahi Yuusuf Axmed

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on October 27, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.