Qarax ka dhacay maanta magaalada Kismaayo

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaye in halkaa uu ka dhacay maanta qarax aay wax ku noqdeen dad gaaraya Illaa lix ruux oo ku dhaawacantay, kadib markii qarax loo adeegsaday  bam uu ku qarxay xarunta maamulka degmada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

sidoo kale waraka ayaa ku daraya in qaraxan lala beegsaday ciidamo ka tirsan ku wa dowlada oo ku sugnaa halkaas , iyadoo uu dhaawac kasoo garay mid ka mida askarta dowlada halka aay ku dhaawacmeen 5 qof oo kale,iyadoo la sheegayo in shanta ruux oo rayid ah ay ku dhaawacmeen qaraxan ay afar ahaayeen haween.

Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM qeebta Kenya kasocoto ee jooga magaalada Kismaayo ayaa howlagalo ay ku raadinayaan dadkii ka dambeeyey qaraxan ay ka sameeyeen deegaanada ku dhow dhow xarunta maamulka degmada Kismaayo , iyadoo howl galkaan lagu soo qabqabtay dad aad u fara badan kaas oo aay sheegeen in looga shakiyay ineey ka danbeeyen qaraxaan.

Qaraxyd ka dhaca magaalada Kismaayo ayaan la ogeyn inay yihiin kuwo hore loogu sii duugay magaalada ama qaar xilliyada habeenadii lagu aaso. hase yeeshee dadka ku nool magaalada Kismaayo ayaa cabsi weyn ka muujinaya qaraxyad ka dhacaya magaalada waxaana qaraxyadu ay saameyn ku yeesheen socodka dadka iyo meelaha muhiimka ahoo ay dadku ka feejigan yihiin inay tagaan ama fariistaan.

Qaraxyada ayaa ku soo badanaya magaalada Kismaayo ee horaantii bishan ay gacan ku haynteeda la wareegeen ciidamada huwanta iyo kuwa Amisom ee ka socdo Kenya .

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on October 27, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login