AMISOM oo deegano kale gacanta ku dhigay

Iyadoo ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay dhaqdhaqaaq ciidan ka sameeyeen shalay deegaano ka tirsan Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa arintaasi waxaa faahfaahin ka bixiyay maamulka Dowladda Soomaaliya ee Gobalkaasi.

Afhayeenka maamulka Gobalka Shabeelaha Dhexe ee Dowladda Soomaaliya Daa’uud Xaaji Ciiro oo la hadlay warbaahinta Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in ujeedka ciidanka ay uwadaan dhaqdhaqaaqa uu yahay inay la wareegaan Magaalada Jowhar.

Wuxuu sheegay in ciidamada AMISOM Iyo Dowladda ay ka dhaqaaqeen shalay Degmada Balcad ee Gobalkaasi ayna gaareen deegaanada kala ah Qalimoow Xawaadleey Garisaale sida uu sheegayna dhawaan ay geli doonaan Magaalada Jowhar ee xarunta Gobalkaasi.

Afhayeenka Maamulka Dowladda ee Gobalka Shabeelaha Dhexe Daa’ud Xaaji Ciiro ayaa sidoo kale sheegay in shacabka Gobalka Shabeelaha Dhexe ay la shaqeyaan ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Wuxuu tilmaamay in shacabka Gobalka Shabeelaha Dhexe ay doonayaan nabadda Dowladdana ay garabsiinayaan isaga oo tilmaamay in dhamaan deegaanada ay gaareen ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM halkaasi ay difaacyo adag ka sameesteen sida uu sheegay.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa ujeedkooda wuxuu yahay inay la wareegaan gacan ku haynta Magaalada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelaha Dhexe halkaasi oo ay maamulaan Ururka Al-Shabaab.

.

.

Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya

_____________________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on October 28, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login