Saraakiisha Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayaa soo bandhigay Ruux ay Toogteen ciidamada Dowlada , ka gadaal marki uu weerar Bambaano ku sooq aaday Askar ka tirsan Dowlada.
Ruuxaan la soo bandhigay ayay Booliisku ku sheegeen inuu ka mid yahay Alshabab oo inta badan Bambooyinka ku weeraraan Saldhigyada iyo Fariisimada Ciidamada Dowlada , waxaana ay sheegeen in ruuxaan la toogtay.
Afhayeenka Booliiska Soomaaliyeed ahna Hogaanka Dambi Baarista Gen. C/laahi Xasan Bariise ayaa sheegay in Ruuxaan uu Bam gacmeed ku tuuray Ciidamada Dowlada , waxaana uu sheegay in ciidamada ay isla goobta ku toogteen.
Bariise oo hadalkiisa sii watay ayaa sheegay in Ciidamada Dowlada aysan wax khasaaro ah ka soo gaarin Bambka lagu tuuray , laakiin waxaa uu shaaciyay in la toogtay ruuxii weerarka soo qaaday.
Afhayeenka Booliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in falkan uu ka dhacay Isgooyska Xaafada Towfiiq , wuxuuna sheegay in Meydka Qofki ay dileen lagu wareejiyay maamulka Degmada Yaaqshiid si ay u asturaan Meydka.
Ciidamada Dowlada ayaa inta badan lagu dilaa weeraro bambaano oo ay soo qaadayaan kooxo hubeysan , waxaana wali sii socda falalka lagu beegsanayo ciidamada Dowlada oo iyagu laga sugayay inay Amaanka xaqiijiyaan ciidamada dowladu.
.
.
Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya
_____________________________________________________________
Share on Facebook
![]()
|
![]() |
Socialize