Faroole oo ka hadlay arinta Kismaanyo

Madaxweynaha Puntland C/Raxmaan Faroole ayaa ka hadlay arinka sida weyn loo hadal haayo wayadan dambe ee maamul u sameynta magaalada kismaayo ee gobolka jubada hoose.

Kismaayo ayaa ah magaalo xeebeed leh ilo dhaqaalo oo muhiim ah iyadoo ka mid ah magaalooyinka sida weyn leeskugu heystay ilaa dhicitaankii dowladii dhexe ee marxum diyaad barre oo wax si gooni gacanta ugu haayey ma jiran marka laga reebo maamulkii shabaab oo in mudo ah ka talinaayey.

Faroole  wuxuu sheegay in Magaalada Kismaayo ay kamid tahay Magaalooyinka Soomaaliya mudadii dalka uu ka jiray burburka sida aadka ah saameynta ugu yeeshay.

Wuxuu sheegay marka laga hadlaayo maamul usameynta Magaalada Kismaayo inay wanaagsan tahay in faraha looga qaado dadka kasoo jeeda deegaanka islamarkaana iyagu ay maamul usameestaan.

Madaxweynaha Puntland ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay ka gudbida habka 4.5 sida uu sheegayna heshiiska uu ahaa in afar sano kadib laga gudbo.

Isaga oo hadalka sii wata Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Faroole ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in dadka Soomaalida ah ee ku sugan dalka dibadiisa looga baahan yahay inay dalka dib ugu soo noqdaan ayna ka qeyb qaataan horumarka ka socda dalka Soomaaliya.

Hadalka Madaxweynaha maamul Gobaleedka Puntland ayaa wuxuu imaanaya iyadoo mudooyinkii dambe aad loo hadal haaye maamul usameynta Mgaalada Kismaayo ee xarunta Gobalkaasi.

.

.

Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya

_____________________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on October 28, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login