Meel Xiiso leh ayuu Marayaa Horyaalka Ingiriiska,Arsenal iyo Man city oo Badbaaday iyo Chelsea vs Man utd oo Balansan……….

Horyaalka Ingiriiska 2012-2013 aya Guda galay meertadiisii 9 ee Lugtiisa hore waxaana shalay la ciyaaray Kulamo ka Tirsan Horyaalka oo qaarkod Natiijadooda la sugayay.
Kulmadii shalay dhacay Kooxda Arsenal vs QPR ayaa isku Macsalaameeyay Gool soo daahay oo uu Lambarka 8 ee Arsenal dhaliyay Arteta Daqiqiadii 84 ee qeybtii danbe ee Ciyaarta.
Kooxda Arsenal oo Marti loo ahaa waxa xakaariyay Goolhayaha Cusub ee Kooxda QPR Julio Cesar oo kuabda Fara badan ka badbaadiyay Weeraryahanada ARSENAL.

Guushaan Kooxda rsenal waxa ay gayeysiisay inay 15 dhibvood Madaxa la galaan Halka QPR ay wali ku siiheyso Guuldaradaan kaalinta 20 ee kala horeynta Kooxaha.

Man city aya iyafuna Gool uu qalinka ku duugay Weeraryahnkeeda Tevez ku Sagootisay Kooxda Swansea,Ciyaarayan aya aheyd mid adag oow eerar iyo weerar celis la isku hayay waxa ayna Aakhirkii Gayeysiisay Kooxda Martida loo ahaa inay Cariirsadaan Kalainta 2 iyagoo leh 18 dhibcood.

Kulmadii kale ee dhacay Kooxaha Stoke City vs Sunderland ayaa kukala tagay 0-0,sidoo kale Reading iyo Fulham ayaa iyaguna isku xiiqay iskuna Macsalaameeyay 3-3,waxaa kaloo shalay wada ciyaaray Kooxaha Aston villa vs Norwich C. waxna ay ku kala baxeen 1-1 Halka Wigen ay 2-1 ku qaarajisay West Ham.

Manta oo axad ah 28 Oktoobar 2012 waxa dhici doona Kulamo kale oo ka Tirsan Mertada 9ee Horyaalka Ingiriiska 2012-2013 waxana Kooxaha ay isku arki doonaan sidatan.

Everton vs Liverbool. waa labo naadi oo isku magaalo ka wada dhisan Marka Ciyaarta ay wada leeyihiin ilgaara ayey ku eegeeyaan dadweyanha degan Gobolka Liverbool ee Cariga England

Newcastle vs West Bromwich

Southampton Vs Totenham

Kulanka Darbiga ah ee la wada sugayo waa kan qabsoomi doona hadii alle idmo 6 -00 Maqribnimo ee Saacada Afrikada Bari una dhaxeeya Kooxaha Chelsea vs Man Utd oo ah 2 naadi oo xifaaltan adagi ka dhaxeeyo,Kooxda Martida ah ee Man Utd waxa Hortaala 2 daran mid dooro oo ah Inay Kalainta 3 ku dhacaan iyo inay la qabsadaan Kaalinta 2 Xaga dhibcaha Kooxda ay isku Magaalada yihiin ee Man city oo leh 18 dhibcood.Halka Kooxda Chelsea ay iyadana Hortaalo 2 daran mid dooro inay badiyaan ama barbaro Galaan si ay u sii Hogaamiyaan Horyaalka ,iyo In Laga Badiyo Markiii ugu Horeysay 8ciyaarood ka dib oo Horyaalku Noqdo mid luqunta la iskula jiro.

Cabdirashiid Sheeekh Biixi oo an wax ka qeydiinay sida uu u arko Kulanakan adag ee Maanta u dhaxeeya
Kooxaha Chelsea vs Man Utd ayaa sheegay in Kulanku yahay mid adag oo darbi ah waxa uuan ku nuuxnuuxsday in 90% Ciyaartu u badan Tahay Barbardhac isagoo u Nisbeyay Barbarhaasi Drogba Gooldhaliyihii Chelsea oo ka maqan Kulanka

‘Drgba waxa uu aha Gooldhlaiye Mucjiso oo ay isku mid u ahaayeen Kulan aksta oo uu Kooxdiisa u ciyaarayo waxa uuna aha dhaliye lafdhabar ua aha Chelsea’ayuu yiri abwaan Biixi oo intaa kuudaray n kulankaan la kala calfan doono dhibicda barbaraha labada Kooxood

.

.

Waxaa Diyaariyay.

Axmed Maxamed Cabdulle’Uurdoox’
Uurdoox2011@hotmail.com

________________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on October 28, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.