Isagoo wareysi dhinacyo badan taabanaya siinayay wasiirka arimaha dibada wadanka ugaandha Mr Sam Kutesa wargeska kasoo baxa wadanksi uganda Sunday Monitor ayaa waxa uu ka hadlay arimo ay ku jirto hawgalka ciidamada midnimada afrika ee AMISOM gaar ahaan kuwa ugaandha ee qeybta ka ah ciidamadasi.
Wargeyska oo diirada ku saaraayay wareysiga ay wasiirku la yeeshen dhan ka arimaha dhaqaalaha wadankaasi uu dood badan ay ka taagan tahay sida loo wajaho lacagaha la siiyo askarta dib ugu laabta wadankasi ugaandha ee ka dagaalamaya somalia ayaa sheegay in ciidamada uganda kaga sugan dalka soomaaliya aysan ahayn kuwo dhaqaale raadis ah,waxana wasiirka arimaha dibada wadanka ugaandha Sam Kutesa uu tilmaamay in ciidamadooda ay yihiin kuwo taageero ka helaya ururka midawga afrika.
Wasiirka arimaha dibada wadanka ugaandha ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada ugaandha kaga sugan soomaaliya ay yihiin kuwo dalka soomaaliya u jooga sidii nabad ay ugu soo dabali lahaayen dalka soomaaaliya.
Dawlada ugaandha ayuu tilmaamay mr Sam Kutesa in ay u istaagtay sidii ay soomaaliya cagaheedi iskugu taagi lahayd.
Ugaandha waxa ay kamid tahay ciidamada midawga afrika kaga sugan soomaaliya kuwaasi oo ka qeyb qadanaya la dagalanka xarakada Al-Shabaab iyo sugida amniga xarumaha dawlada soomaaliya.
.
.
Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya
_____________________________________________________________
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login