Waraka ka imaanay degaan u dhaxeeyo Marka iyo Buufoow ayaa sheegaya weerar gaadmo ah oo duhunimadii maanta lagu qaaday Kolonyo ay la socdeen saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo ka soo baxay magaalada Marka ee Gobolka Shabellaha Hoose, in lagu dilay taliyahii Guutada shanaad Jen. Goordon oo gawaarida lagu galbinayay ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhintay weerarka, iyadoo la soo sheegayo in iska hor imaad socday muddo uu dhex maray Ciidamada dowladda iyo kooxihii weerarka ka dambeeyay.
Kooxaha Hubeysan ayaa la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Xarakada Al-Shabaab ay jidka u galeen Kolonyada ciidamada dowladda oo marayay deegaanka ceel Wareegow ee duleedka Marka..
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda, iyadoo halka lagu galay Kolonyada Ciidamada dowladda ay soo gaareen Ciidamo fara badan oo ka tirsan AMISOM iyo Milateriga Soomaaliya.
Waa sarkaalkii ugu sareeyay ee ku dhintay weerar dhaba gal ah, tan iyo markii Al-Shabaab ay dagaalkooda u bedeleen weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah, kaasoo ay ku qaadayaan Kolonyada ay la socdaan Ciidamada dowladda deegaano ka tirsan Gobolada dalka.
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login