Wariyaal lasoo tusinayo deegaano kale

Cutubyo isugu jira ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya oo bilihii lasoo dhaafay hardan ugu jiray sidii gabi ahaanba ay u lawareegi lahaayeen gacan ku haynta guud ahaan Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa shaaciyay inay la wareegeen deegaanka Leego oo ka tirsan Gobalkaasi.

Taliyaha guutada sagaalaad ee ciidamada AMISOM ee dagaalka kawada Gobalka Shabeelaha Hoose oo tiro suxufiyiin ah kula hadlaye garoonka Diyaaradaha Belidoogle ayaa sheegay in cutubyo ka tirsan ciidamada AMISOM ay gacanta ku dhigeen deegaanka Leego oo horay ay u maamuli jireen Al-Shabaab iminkana ay ku sugan yihiin muddo shan maalin ah ciidamadooda.Captain Selva Mogeiza oo hadalkiisa siiwata ayaa xusay in ciidamada AMISOM haatan ay ku howlan yihiin xaqiijinta ammaanka deegaankaasi iyo guud ahaan deegaanada ay la wareegeen.

Taliyaha guutada sagaalaad ee ciidamada AMISOM Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa dhinaca kale sheegay inay wadaan qorshe ballaaran oo lagu furayo wadada xiriirisa Muqdisho iyo Baydhabo halkaasi oo muhiim u ah isu socodka dadka iyo gaadiidka sida uu sheegay.

Ka sokoow hadalada saraakiisha AMISOM ay warbaahinta ujeediyeen ayaa hadana koox wariyeyaal ah waxa ay ukuur galeen xaaladaha deeganadii ay la wareegeen ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya waxaana la arkaye ganacsiga kusoo laabanaye deeganadaasi gaar ahaan Degmada Wanlaweyn oo kamid ah meelaha lagala wareegay Al-Shabaab.

.

.

Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya

_____________________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on October 28, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.