AUN Abwaan Warsame Shire Cawaale oo ka Tirsanaan jiray Kooxdii Onkod oo Caawa lagu dilay Degmada waabari ee G.Banaadir……………..
2 nin oo Hubeysan ayaa Caawa Fiidkii ku dilay Bananka Gurigiisa oo ku Yiilay Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir AUN Marxuum Abwaan Warsame Shire Cawaale oo ka mid ahaan jiray Abwaanadii Kooxdii Onkod ee Ciidanka Booliska Soomalaiyeed waxii ka horeeyay 1991kii Mudadii danbena ahaa Abwaan ku Noolaa Magaalada Muqdisho walow hada uu ka Tirsanaa Idaacadda Kulmiye oo uu u qaabilsanaa dhinaca barnaamijka Sheekooyinka iyo Xayeysiiska Idaacdaasi oo ka mida Kuwa Gaarka loo leeyahay ee ku yaala Gudaha Caasimada Soomalaiya ee Muqdisho.
Marxuumka oo Markii la dilayay ay la joogtay Marwadiisa oo lagu magacaabo Fowsiyo cabdiraxmaan ayaa kooxaha dilka geystay ay ku fureen Rasaas isagoo fadhiya Jardiinka Banaanka guriga waxaana rasaastaasi ay kaga dhacday Caloosha iyo madaxa sida ay Idaacada Kulmiye u xaqiijisay Xaaska Marxuum Warsame Shire Cawaale Marwo Fowsiyo cabdiraxmaan.
Marxuum Abwaan Warsame shire Cawaale ka sakow dhinaca alifaada Suugaanta waxa uu Caan ku ahaa sameynta Sheekooyinka Maadeysyada isagoo ahaa dhinaca kalaena Jilaa caan ah waxaana uu ifka kaga tagay 2 Xaas iyo 4 caruur ah oo ay ka mid tahay fanaanada da,da yar Ayaan Warsame shire Cawaale oo ku caan ah heesta La magac baxday ‘ Kambaala adigaa i baday’
Alaha u Naxariistee Marxuum ex Abwaan Warsame shire Cawaale waxaa lagu aasi doona Barito Hadii Alle idmo Magaalada Muqdisho.
Inaa ililaahi wa inaa ileyhi Raajucuun
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login