Duufaanta Sandy Oo Ku Wajahan Bariga Waddanka Maraykanka

Qaybo badan oo ku yaalla bariga waddanka Maraykanka, waxa ku soo fooleh dabeesha loo bixiyay Sandy, taasoo dhibaato xooggan ama khasaaro geesan karta sida ay lee yihiin  kooxaha saadaliya dabeelaha.

In ka badan 60-milyan oo qof ayaa la sheegay inay saamayn ku yeelan doonto dambeesho Sandy, taasoo jareysa qiyaastii 1,200 kilometers.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa ka qaybgalay kulan deg-deg ah oo uu la qaatay hey’adda the Federal Emergency Management Agency (FEMA) taasoo looga hadlay siddii gurmad loo siin lahaa dadka ku dhaqan gobalada bari ee dalka Maraykanka.

Saacadii ayaa la sheegay inay jareyso dabeesha Sandh 120 kilometers

Dadka ku dhaqan magaalooyin badan ayaa bilaabay inay iibsadaan cunno badan iyo Batariyo si ay u qarashgareeyaan dhowr maalin koronto la’aan ay soo wajihi doonto.

Gobalada New York, Pennsylvania, Maryland, Virginia, North Carolina iyo magaaladda caasimada Washington, D.C.ayaa looga dhawaaqay xaallad deg-deg ah.

Waxa la xiray suuqa saamiyada ee New York Stock Exchange iyo sidoo kale iskuulada oo laga cabsi qabo inay soo gaarto dabeesha Sandy.

Dabeeshan loo bixiyay Sandy ayaa saameen xooggan ku yeelatay olaha doorashada madaxweynaha Maraykanka oo toddobo maalin ay ka harsantahay.

Musharrax xisbiga Jamhuuriga, duqii hore ee gobalka Massachusetts Mitt Romney, ayaa baajiyay safar uu ku tagi lahaa gobalka Virginia sababo lagu sheegay dabeesha oowgeed.

Dabeesha Hurricane Sandy  ilaa hadda gobalka Caribbean-ka waxay ku dishay in ka badan 70-qof, kuwaasoo ku sugnaa Bahamas, Cuba, Jamaica iyo Haiti, sida ay lee yihiin kooxaha gurmadka.

SOURCE: RBC

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on October 29, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login