Xili ay soo baxayeen Warar ku aadan in laga yaabo in Golaha Wasiirada Xukuumada Cusub ee Soomaaliya aad loo koobo lagana dhigo ilaa 9-Wasiir ayaa arintaasi waxaa ka hadlay kana digay qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed.
Nabadoon Maxamed Xasan Xaad Gudoomiyaha Dhaqanka iyo Midnimada Beesha Hawiye ayaa uga Digay R/Wasaaraha Somalia Cabdi Faarax Saacid in uu soo dhiso Xukuumad yar oo ka kooban ilaa 9-wasiir
‘’Madaxda Dowlada waxaan leenahay waxaad heesataan Fursad badan mana ahan in 9-Wasiir lasoo dhiso Soomaali uma qeybsanto marka R/Wasaaraha waxaan ugu baaqi laheyn in uu arintaasi ka fiirsado isbadal kalana la yimaado Wasiiradana uu kor dhiyo’’ ayuu yiri Nabadoon Xaad.
Maxamed Xasan Xaad ayaa sidoo kale sheegay inaysan jirin xaalad ku adkeyn karta in Golaha Wasiirada ee imaanaya laga dhigo 9-wasiir isaga oo codsi ujeediyay madaxda dowladda oo ku aadan in tiradaasi la kordhiyo.
Hadalka kasoo baxay Nabadoon Xaad ayaa kusoo aadaya xili Warar aan la hubin oo suuqa kujira sheegayaan in laga yaabo in Golaha Wasiirada la dhisayo ka koobnaadaan 9-Wasiir arintaas oo la sheegay imn uu gadaal ka riixayo Madaxweynaha.
Share on Facebook
![]() |
Socialize