Shabaab oo hanjabaad u diray Kenya

Al-Shabaab ayaa hanjabaado culus u diray dowlad Kenya,oo ku aadan in weeraro culus ay ka geysanayaan dalka Kenya qeybo ka mid ah ,iyadoo Al-Shabaab ay sheegeen inay ka aargoosan doonaan weerarka ciidamada Kenya ee dhawaan ku qabsadeen iyo gacanta ku dhigidi haweeney sare oo hogaamiyaha ah oo ka tirsaneyd Al-Shabaab.

Warbaxin Twiterka ay soo dhigeen Al-Shabaab kana soo baxday xafiiska Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in Kenya ay ka shalaay doonto dagaalada iyo qabqabshada ku haysa rag ka tirsan Al-Shabaab oo Kenya ay tilmaameen in ay gacanta ku dhigeen oo ay ka mid tahay haweenay Hogaamiye sare ah oo ilaa iminka la ogeyn waxa ay Al-shabaab u qaabilsaneyd.

Dowlada Kenya mardhow ayey ka shalaay doontaa waxa faraha ay kula jiraan oo ah dhibaateynta islaamiyiinta insha Allah,sida ku qorneyd warbaxinta barta Twiterka Al-Shabaab ay soo dhigeen.

Ciidamada Kenya ee howlgalka qeybta ka ah ayaa dhawaan dhalinyaro aad u fara badan oo ay ku jirto haweeney sare oo ka tirsan Al-Shabaab gacanta ku dhigeen,kadib howlgal ay ka sameyeen Xaafadaha magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose,sida uu saxaafada u sheegay afhayeenka ciidamada Kenya ee Soomaaliya Cyrus Oguna.

Al-Shabaab ugu danbeyntii Kenya kaga digtay in faraha kala baxdo arimaha Soomaaliya iyo dhibaatooyinka joogtada ay ku hayaan dhalinyarada xariirka la leh Al-Shabaab.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on October 29, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login