Dil shalay loo gaystay Taliyihii Ciidamada Guutada shanaad ee Dowlada Soomaaliya, ayaa Waxaa sheegtay shabaab.
Afhayeenka howl galada Al-Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo la hadlayay saxafada taageerta shabaab ayaa sheegay in ay Mas’uul ka yihiin Dilkaas Waxa uuna sheegay in ay dilayaan saraakiisha Dowlada Soomaaliya sida ay u dhanyihiin.
“ Mas’uuliyada Weerarkii lagu Dilay Ninkaas waxaa iskleh Mujaahidiinta dhamaan sarakiisha iyo Ciidamada waxaan u dilaynaa si mid mid ah”ayuu yiri Muscab.
sidoo kale waxa uu sheegay Abuu Muscab in weerarkaas ay mas’uul ka ahaayeen, isla markaana uu ahaa weerar uu dhaba gal ah oo ay ku qaadeen Kolonyo ay la socdeen Saraakiil ka tirsan dowladda.
Jen. Maxamed Ibraahim Faarax oo ku caan ahaa Jen. Goordan ayaa ahaa Taliyihii guutada shanaad Ciidamada xooga dalka, kaasoo ku dhintay weerar jidka loogu galay duleedka magaalada Marka ee Gobolka Shabellaha.
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login