Ciidamo la sheegay in ay katirsanaayeen Al-Shabaab ayaa maanta lagu soo bandhigay Degmada Wanlawqeyn ee Gobolka Sh/Hoose kuwaa oo la sheegay in qaarkood ay isku soo dhiibeen Ciidamada Dowlada kuwa kalana gacanta lagu soo bandhigay.
Ragan Al-Shabaab katirsanaa ee lagu soo bandhigay Degmada Wanlaweyn ayaa tiradooda la sheegay in ay ahaayeen ilaa 18-Nin kuwaa oo qaarkood ay wateen hubkooda sida ay sheegeen saraakiil Dowlada oo ka hadashay halkii lagu soo bandhigay.
Gudoomiyaha Degmada Wanlaweyn oo ka hadlay goobta ragan la sheegay in Al-Shabaab katirsanaayeen lagu soo bandhigay ayaa sheegay in qaarkood ragan ay kusoo qab qabteen Howlgalo ay kasameeyeen Degmada Wanlaweyn halka kuwa kalana ay isku soo dhiibeen Ciidamada Dowlada.
Gudoomiyaha ayaana ugu baaqay raga katirsan Al-Shabaab ee wali ku dhuumaaleesanaya Degmada Wanlaweyn in ay isku soo dhiibaan Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayna nabada qaataan ayna soo dhaweyn doonaan ragaasi hadii ay kasoo baxaan Al-Shabaab sida uu sheegay Gudoomiyaha Degmada Wanlaweyn.
Al-AShabaab kama hadlin wali ragan la sheegay in dhankooda katirsanaayeen ee isku soo dhiibay Ciidamada Dowlada iyo kuwa kale ee iyana lasoo qabtay inkastoo AL-Shabaab looga bartay in aysan ka hadlin arimaha nuucan oo kala ah.
.
.
Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Nairobi, Kenya
________________________________________________
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login