Ciidanka booliska oo ku raad joogo dilkii Abwaan Marxuum Warsame Shire Cawaale

Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa ka hadlay dilal xalay iyo shalay gelinkii dambe ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo rag hubeysan ay ku dileen ilaa saddex ruux oo uu ku jiray Abwaan Warsame Shire Cawaale.

Jen. Axmed Xasan Maalin ayaa sheegay inay ku raad-joogaan kooxihii ka dambeeyay dilalkaas, isagoo xusay in dadka la dilay ay ku jirtay qof haweeney ah oo xalay lagu dilay Xaafada Xamar Jadiid ee degmada Wardhiigley.

“Dilalkaas dadkii ka dambeeyay waa lagu raad joogaa, baaritaan ayaa socda, kooxo nabad diid ah ayaa dilay gaashaanle Warsame Shire Cawaale oo ka tirsanaa Ciidamada Asluubta, gabar dowladda ka ag dhoweyd oo aan shaqaale aheyn waxaa lagu dilay Xamar Jadiid”ayuau yiri Jen. Maalin.

Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale sheegay in nin gaari watay ay ku dileen shalay agagaarka Isgoyska KM4, isagoo tilmaamay in Ciidamo ilaalo u ahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka ay ka dambeeyeen.

“Nin magaciisa la yiraahdo Liibaan ayaa ilaalo Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka ay ku dileen KM4, markii baabuurta isku xirmeen oo muran soo kala dhex galay, anaga amar uma qabni inaan Xildhibaan gurigiisa galno, madaxda ugu sareysa ayaa u gudbinay, xildhibaankana wuxuu balan qaaday inuu keenayo ninka gacan ku dhiiglaha ahaa”ayuu yiri Jen. Axmed Xasan Maalin.

Maalmihii u dambeeyay ayaa ammaanka magaalada Muqdisho uu soo hagaagayay, kadib markii ay howl galo bilaabeen Ciidamada ammaanka, kuwaasoo dad dhowr ah oo lagu tuhunsan yahay inay dilal geysteen ku soo qabtay.

.

.

Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya

___________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on October 30, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.