Dabley Hubeysan oo caawa Fiidkii Abwaan u shaqeynayay Idaacada Kulmiye ku toogatay xaafada Waaberi

Warsame Shire Awale

Muqdisho, Oktoobar 29, 2012 | Warsaxaafadeed |  Ururka Qaran ee Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ waxa uu ka naxay isla markaana cambaareynayaa falkii naxdinta lahaa ee lagu dilay abwaan ka tirsanaa bahda warfaafinta isla markaana u shaqeynayay idaacada Kulmiye ee magaalada Muqdisho.

Dabley hubeysan ayaa caawa fiidkii ku toogatay xaafada Waaberi ee magaalda Allaha u naxariistee, Warsame Shire Cawaale oo u shaqeynayay Idaacada Kulmiye, isla markaana ahaa abwaan, majaajiliste, qeyb lixaad leh ka qaatay ruwaayada Shandaranley ee ka baxda ee Idaacada KNN.

Ilaa iyo hadda lama garanayo sababta loo bartilmaameedsaday Allaha u naxariistee, abwaankan oo lagu dilay meel sidaa uga fogeyn hoyga uu ka degenaa xaafada Waaberi ee gobolka Banaadir. Allaha u naxariistee, Abwaanku waxa uu horey suugaan fara badan ugu tiriyey kooxdii Onkod ka jirtay dalka Soomaaliya. Ururka Qaran ee Suxufiyiinta Soomaaliyeed waxa uu cambaareynaa falkaas arxandarada ah isla markaana ugu baaqayaa hay’adaha qaabilsan nabadgelyada inay baaritaan dhab ah sameeyaan, isla markaana cadaalada lagu horkeenayo dambiilayaasha caadeysta ugaarsiga Suxufiyiinta.

“Inaa Lilaah Wa Inaa Ilaahi Raajicuun, Caawa fiidkii ayaa dabley hubeysan ku toogteen Abwaan Warsame Shire Cawaale, taasoo sii cakireysa howsha adage e bahda saxaafadda u hayaan bulshada Soomaaliyeed.” Sidaa waxaa yiri, Maxamed Ibrahim, Xoghayaha Guud ee Ururka Qaran ee Suxufiyiinta Soomaaliyeed.  Waxa uuna ku baaqay in baaritaan dhab ah lagu sameeyo dilalka is daba joogga ah ee lagu bartilmaameedsanayo bahda warfaafinta oo runtii ku howlan sidii shacabka Soomaaliyeed ay ugu adeegi lahaayeen xiligan adag.

Dilka Marxuum Cawaale waxa ay ka dhigaysaa tirada weriyayaasha iyo bahda warfaafinta ee lagu dilay dalka Soomaaliya 18.

 

For further information, please contact: National Union of Somali Journalists (NUSOJ) Second Floor, Press House, Taleex Street, KM4 Area, Hodan District, Mogadishu, Somalia, Tel: +252 1 859 944, e-mail: nusoj@nusoj.org.so / nusojsomali@gmail.com or nusoj@ymail.com
E-Newsletter: newsletter@nusoj.org.so
Internet: http://www.nusoj.org.so Follow us on Twitter: @NUSOJ_Somalia

_______________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on October 30, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.