Eritrea oo loogu baaqay inay ka qeyb qaadato nabadeynta Soomaaliya

Madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki ayaa ugu baaqay dowladda Eritrea inay ka qeyb qaadato nabadeynta Soomaaliya, kadib markii uu ku qaabilay Xafiiskiisa Danjiraha u fadhiya Eritrea magaalada Nairobi.

Danjiraha u fadhiya Eritrea magaalada Nairobi ayaa Madaxweynaha Kenya u gudbiyay codsi dowladda Eritrea ay ku dooneyso inay dib ugu soo biirto Urur Goboleedka IGAD.

Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay in marka hore Eritrea looga baahan yahay inta aanay ku soo biirin IGAD inay ka qeyb qaataan xasiloonida geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya.

Eritrea oo horay loogu eedeeyay inay taageerto Al-Shabaab ayaa dadaal ugu jirta inay mar kale ka mid noqoto Urur Goboleedka IGAD oo horay uga baxday.

Qaramada Midoobey ayaa ku eedeysay Eritrea inay hub iyo taageero siiso Al-Shabaab, taasoo cunaqabateyn ku muteysatay.

.

.

Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya

___________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on October 30, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.