Gudoomiyaha Deyniile oo qarax ka badbaaday

Gudoomiyaha Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay in uu ka bad baaday isku day dil oo lagu khaarajin lahaa Gudoomiyaha , kaasoo ay fuliyeen Ciidamada Dowlada Soomaaliya.

Mudane Daahir Xasan Xuseen Gudoomiyaha Degmada Deyniile ayaa ka bad baaday dil ay la damacsanaanyeen Ciidamada Dowlada , isagoo baaq u diray Dowlada inay wax ka qabato arintan.

Gudoomiyaha oo la hadlayay warbaahinta ee Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in Taliska Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ay diideen in Degmadiisa la geeyo ciidamo Booliis ah oo wax ka suga amaanka , isagoo taasi ku tilmaamay mid ay wax ka damacsan yihiin Taliska Booliiska.

Ciidamada Dowlada ayaa hada waxaa ku cadaatay inay qeyb ka yihiin Dilalka ka dhacay Magaalada Muqdisho , iyadoo ay Madaxda Dowlada iska indha tireyso dhibaatada ay shacabka ku hayaan Maleeshiyaadka Dowlada Soomaliya.

Maleeshiyaadka Dowlada ayaa looga bartay dhac , Kufsi iyo Dilal qorsheysan , waxaana hada ku cadaatay inay wax ka leeyihiin masuuliyada dilalka ka dhaca Muqdisho.

.

.

Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Nairobi, Kenya

________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on October 30, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login