Haweenka Qaranka oo laba u kala jabay

Waxaa horey inta badan dhagaha dadka soomaaliyed ugu soo noqnoqday khilaafaad iyo is qabqabsi ka dhexeya raga ha ahaadeen madax ama yeesan ahaane oo hawwenka wexey ahaayen kuwo dhaama raga waloow iyagaba eey iska jireen khilaafaadyo dhaxdooda ah balse ma soo muuqan jirin inta badan.

waxaa hada labo u kala jabay ururka haweenka qaranka soomaaliyeed kuwaasoo hada leh laba gudoomiye oo kala ah ubax tahliil warsame iyo Batulo sh.axmed Gabowle.

ururka haweenka qaranka soomaaliyeed oo kulan  iskugu yimid magaalada muqdisho qaar kamida ayaa waxay ku doortoon gudoomiye cusub ururka qaranka  ayaa kulankii ugu horeyay waxa ay ku doorteen Ubax Tahliil Warsame  oo ay sheegeen markii ay arkeen inay waxqabad la imaan karto ay garwaaqsadeena in ay u doortaan.

sidoo kale ayaa markii ay maqleen  qaar kamida ururka haweenka qaranka in loo doortay Ubax Tahliil Warsame  ayaa kulan ay iskugu yimaadeen iyaguna ay  gudoomiye u doorteen   Batuulo Sh.Axemed Gabowle oo sida ay sheegeen inay u qalanto in ay noqoto gudoomiye   ururka haweeenka qaranka soomaaliyeed .

ururka haweenka qaranka soomaaliyeed ayaa u muuqda kuwa u kala jabay labo garab iyadoona ay kala hogaaminayan Ubax Tahliil Warsame iyo Batuulo Sh.Axmed Gabowle, iaydoo ay dhawaan  ururka haweenka qaranku ay kulan la qaateen raysal wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyadoo halkaas ay kaga dalbadeen in ay haweenka soomaaliyeed  uu  garab istaago.

.

.

Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Nairobi, Kenya

________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on October 30, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.