Amb. Americo ‘Maamul usameynta Kismaayo waa shaqo u taalo Dowlada Soomaaliya’

Amb. Maxamed Cali Nuur (Ameerika)

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya magaalada Nairobi Amb. Maxamed Cali Nuur (Ameerika) ayaa sheegay in howlaha maamul u sameynta Kismaayo aanay aheyn howl u taala IGAD ama AMISOM.

Amb. Ameerika oo wareysi siiyay Laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in Maamul u sameynta Kismaayo ay tahay shaqo u taal dowladda Soomaaliya iyo dadka deegaanka.

“Howsha Maamul u sameynta Kismaayo waxay u taalaa dowladda Soomaaliya iyo dadka deegaanka, balse ma ahan howl u taal urur goboleedka IGAD iyo AMISOM”ayuu yiri Amb. Maxamed Cali Ameerika.

Danjiraha ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM ay gacan siiyeen dowladda Soomaaliya, ayna ka mahadcelinayaan, isagoo ka dhawaajiyay in AMISOM aanay waligood joogeyn Soomaaliya, balse ay Ciidamada Soomaaliyed kala wareegi doonaan ammaanka guud ee dalka.

Dhinaca kale Danjiraha waxaa uu sheegay in maamul u sameynta gobolada Soomaaliya ay leedahay dowladda Soomaaliya.
Hadalka safiirka ayaa ku soo beegmay iyada oo maanta magaalada Nairobi lagu qabtay shir looga hadlayay wax qabadka ciidanka Midowga Afrika ee Soomaaliya ku sugan.

Dhowaan ayaa Midowga Afrika uu sheegay inuu doonayo in dowr rayid ah uu ku yeesho Soomaaliya oo uu keenayo saraakiil ka qayb qaata maamul u samaynta Soomaaliya.

.

.

Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Nairobi, Kenya

____________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on October 31, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login