Kulanka oo ay kasoo qeyb galeen siyaasiyiinta aqoonyahanada culumaa’u diinka iyo haweenka kasoo jeeda beesha Karanle oo kamid ah beelaha Soomaaliyeed ayaa waxa uu ahaa mid talooyin loogu jedinayey dowlada cusub ee Soomaaliya, gaar ahaan Ra’iisul Wasaare Saacid oo dhawaan looga fadhiyo soo dhisida xukuumadiisa cusub ee Soomaaliya.
Ugu horeyn kulanaka ayaa laga soo sooray war saxaafadeed dhinacyo badan taabanyey kaasi oo baaqloogu jeediyey Ra’iisul Waraasaha, waxaana halkaasi ka aqriyey Abuukaate C/laahi Siyaad oo sheegay in lagama maar maan ay tahay in golaha wasiirada aan laga yareynin 18-wasiir.
Suldaan Xasan Madoobe oo isna madasha kajeediyey qudbad dheer ayaa sheegay in hadii wasiirada cusub ay kayaradaan 18-xubnood dalku uu galayo marxalad adag madaxda dowladana looga baahanyahay in ay kafiirsadaan arintaasi.
Sidoo kale Sahro Cabdi Mahadalle oo kamid aheyd haweenkii kasoo qeyb galay kulanka ayaa sheegtay in beesha Karanle ay diyaar u tahay in dowlada ay garab kasiiso dhinac waliba sidaasi daraadeedna dowlada looga fadhiyo in ay ilaaliso xaqa ay leeyihiin.
Sikastaba Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa in uu soo dhiso xukuumad tayo leh, iyadoo ay soo baxayaan warar hoose oo sheegaya in wasiirada cusub ee lasoo dhisi doono ay gaarayaan 10-xubnood iyo inkayar
![]() |
You must be logged in to post a comment Login
Asc dhaman walaalaha karanle waxa ku fikira hasan gargurto waa wax aan dhici karin somali horey ayeey u tiri ishisa laga arka ushisa lagu dila manta in aan barino wasiir waa nagu doqonimo waxan talo uso jeden la hay dhaman xildhabanada iyo odayasha in eey mucaradan xafadaha aan xamar ka degno laga dhigo banaanbax.