Taliyihii Ciidamada Booliska ee Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan Muumin Ildhigte, ayaa waxaa maanta lagu dilay Magaalada Baladweyne ee Xaruunta Gobolka Hiiraan.
Dilka Taliyaha ayaa ka dambeeyay markii uu doonaayay in uu isbaaro ka qaado Magaalada Baladweyne, oo ay dhigteen ciidan ka tirsan Dowladda, ayaa waxay kala hor yimaadeen rasaas.
Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa waxaa la sheegay in uu si’aan ganbad laheyn uu ula dhacay rasaas, taasoo ka dambeysay in Taliyaha uu u geeriyoodo.
Durbaba askarigii dilka geystay ayaa wuxuu iskaga baxsaday Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan, sida ay sheegeen Saraakiisha Maamulka Gobolka Hiiraan ee Dowladda Somaliya.
Taliyaha Ciidamada Booliska ee Gobolka Hiiraan Cali Cabdi Mahad Alla (Cali Dhuux), ayaa wuxuu xaqiijiyay geerida Taliyaha, isgaoo sidoo kalana sheegay in uu baxsaday askarigii dilay, balse wuxuu sheegay in lagu raad jooggo.



![]() |
You must be logged in to post a comment Login